Tiro dad ah oo ku dhintay dagaal beeleedyo ka dhacay Itoobiya

Saraakiisha dalka Itoobiya waxay sheegeen in 12 qof ay ku dhinteen hallka 7,000 qof ay guryahooda ka qaxeen kaddib dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Gambeellada.

In ka badan 400 guryo ayaa lagu gubay halkaas halka la dhacay 300 oo neefaf lo’ ah.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii la dilay sarkaal maxalli ah oo ka howgalalay deegaan ay ku nool yihiin qowmiyadda Nuer.

Dagaallada ka dhaca gobolka Gambeelada ayaa loo aaneyaa baratan dhanka dhul daaqsimeedka ah.

Itoobiya waxaa sare u kacay dagaallada u dhexeeyay qowmiyadaha qaar kaas oo ay ku dhinteen boqolaal qof halka malaayin qof ay guryahooda ka barakaceen.