Waa Sidee Nadaafada Qaybta Gargaarka Degdega ah ee Cusbitaalka Guud ee Hargeisa. W/Q:-Nouman M Muuse

WALI MA BOOQATAY CUSBITAALKA GUUD EE HARGEISA OO LOO YAQAANO EMERGENCY CARE UNIT (QAYBTA GARGARKA DEGDEGA)

Hadaba waxan Isku Daynay Xili Ay Tahayba Inan Booqano Suuliyada Ay Gallaan Bukaanadu & Shaqallaha Oo In Badan Laga Dayrinyey waxan Ubaqoolney Xaga Iyo Barxada Danbe Ee Cusbitaalka Gar ahan Qaybta Gargaarka Degdega. Sababto ah qaybtani waxay ka koobantahy (Qaybta Xumada Raga )& (Qaybta Xumada Dumarka) & (Qaybta Qaliinka Dumarka) &(Qaybta Qaliinka Raga) Pharmacy Unit (Receiption) (Trauma Section )Qaybta Tolniinada & 2 Office Oo Shaqaalluhu Seexdan & Shan -musqul Oo Mid Ay shaqaalluhu leeyihiin,

Hadaba Waxa Noo Suura -gashay Inaan Soo Eegno xaqiiqooyinka Ay Dadka ama Shacabku Cusbitaallka Taga ay Sheegan Inay Wax ka Jiraan Iyo Inkale & In Laga Badbadiyey, Balse Xaqiiqa Waxa noqotey Wixi Ay Sheegayeen Shacabku, Kolkii aanu la dultagney Camera-da Runtii waxanu xasuusanaya adeeg Halkan Dadka iyo Umada Loogu Qabanayo Inay Kasii Muhiimsan tahay In horta Meesha Noocani Dadku Ay Iskada In lagu Daweeye Inay Xanuuno Kasii qadayaan, Sababto Ah Waxaba Suura -galla Inay Qaatan (Airborne droplets disease) Oo Noqonaya In ay Faafan Xanuunada Hawada lagu Kala Qaado,

Nabigeeni Muxumed Naxariis & Nabadgalyo Korkiisa Ha Ahaate,(النذافة شعبة من الايمان)

Markey Arintu Halka Mareyso Bal aan Eegno Goobta Noocanii inay Tahay Qayb Lacag Kaso Gallin Cusbitaalka Guud Ee Hargeisa inta Lacag lagu Qabto.

HALKAN KA OGOW!

Lacagta lagu #kordhiyey Cusbitalka Hargeysa, cadeynta Oo halka hoose idinka Muuqata

Cusbitalka Hargeisa -adeegyo badan ayaa lacag la dhigey oo bilaash ahaan, mudada Dr-Yasiin Carab xilka hayey, halka kuwa kale lacagta la kor dhigeyey, tusaale ahaan, barrigii Draskar, dhamaan adeegyada qiimo kordhinta Lagu sameyey ee warqada hoose idinka Muuqdaa sidan ayuu qiima hoodu ahaan Jirey;-

_ kaadhka dhigista 30kun (Admission card_ 30kun emergency)
_ kadhka fasaxida qofku ladnaado 20kun (dep only other wards)
_ Toliinka dhawacyada bilaash (suture free)
_ Nuurada Kabka lafaha bilaash ahaan jirey (pop support_ free)
dhawac mujinta 30kun,

Dhamaan adeegyada caafimaadka hospital Hargeysa lacag ayaa laga dhigey iyada qaar Badan lacag toodii lalaba jibaarey, hadeer Cusbitalka Hargeysa farta aad qaadaaba waa Lacag, sida warqada hoose idinka muuqata, iyada oo ay sidaas tahey hadana shaqaalaha hospitalka wax ka dhacey mooyiyee wax usoo kordhey ma jiro. Sida oo kale adeegyada Dhulka ayey galeen hospitalka hargeysa, Lacagta shaybaadhka iyo dawada Pharmacygana double ayaa laga dhigay oo Wuu laban laabay.

Hadaba waxa iswaydiin Mudan Muwaadin Halkee lacagtani-lageeya ama ku baxda_Ileen Shaqaalihi Lacag Ma Qaattan Oo Waxay Guno Ahan U qaatan 648-SL-Shillig Musqulihi Cusbitaalkuna Waa -sidane,

Hadaba -Shabow Dhibaatada Laydinka La Goynayaa -Weyna,

La Soco Qaybta Afaraad
وبالله التوفيق

W/Q:-Nouman M Muse