Abiy Ahmed oo $150 bilyan u codsaday Africa

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa hogaamiyayaasha dalalka G20 ka dalbaday inay Africa ka caawiyaan inay la tacaasho Coronavirus, ayaga u sameynaya deyn-cafin, islamarkaana siinaya 150 bilyan oo dollar oo maal-gelin deg deg ah.

Cudurkan sida caalamiga ah u faafaya “wuxuu halis jiritaan ku yahay dhaqaalaha dalalka Africa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed, isaga oo intaas ku daray in Ethiopia ay “dalalka kale ee Africa kala shaqeyneyso” diyaarinta codsigan.

Culeyska deynta ayaa dalal badan oo African ah ka dhigaya kuwa aan ka jawaabi karin dhibaatooyinka dhaqaale ee cudurka Coronavirus uu horseedayo, ayada oo bixinta deymahaas qaarkood ay ka badan yihiin miisaaniyadda caafimaad ee dalal badan.

“Si la mid ah sida fayruska uusan xuduudo u lahayn, jawaabaheenu waa inay u noqdaan kuwa aan xuduudo lahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Abiy Ahmed.

Saudi Arabia oo iminka madax ka ah ururka G20, ayaa toddobaadkii tegay ku baaqday kulan madaxeed xagga online-ka ah, si la isugu xiro jawaabaha caalamiga ah ee ku aadan xasaradaha ka dhashay Coronavirus.

Dalalka Africa ayaa waxaa illaa iyo hadda laga diiwaan geliyey 1,654 kiis oo la xiriira cudurka Coronavirus iyo dhimashada 52 qof, sida ay sheegtay Xarunta Maareynta iyo ka Hor-tagga Cudurada ee Africa.

Khuburada ayaa ka digay in Coronavirus uu si deg deg ah uga tan badin karo nidaamyada caafimaad ee tabarata darran ee Africa.

Dhaqaalaha Africa wuxuu sidoo kale u baylahnaan doonaa “hoos u dhaca dhoofinta wax soo saarka, joogsiga xiriirada caalamiga ah iyo luminta safarrada iyo dalxiiska,” sida lagu sheegay bayaanka xafiiska Abiy Ahmed.

AFP