Abwaan Xassan Dhuxul Laabsaalax Oo Dib u Siraaday Fanka Kooxda Xidigaha Geeska+Tirada Heesaha Marka Kaliya uu Ooda Kasoo Qaaday.

Hargeisa(GNN):- Abwaan Xassan Dhuxul Laabsaalax oo kamida Abwaanada Reer Somaliland ee Eebe Hibada u Siiyey Curinta iyo sameynta suugaanta casriga ee jiilka cusub, islamarkaana door laxaadleh ku lahaa Sameynta Kooxda Xidigaha Geeska oo ka unkantay Magaalada hargeisa, Tiir dhaxaadna u ahaa Sameynta iyo Suugaanta kala duwan ee kooxda xidigaha geesku kusoo caan baxday isagoo kaashanaya baalasha fanaaniinta xidigaha geeska  iyo Muusishankan gacanta fudud ee Axmed Wali ibraahim furinle ayaa mar kaliya Kooxda Xidigaha geesku ka hilaacday guud ahaan geeska Africa iyadoo bandhig suugaaneedyo kala duwan u tagay Dhammaan dhulka ay Soomaalidu degto iyo Dalal Dibedaba.

Kooxda Xidigaha geeska oo Maskaxda fikradaha ay Heerka ku gaadheen ay ahaaayeen Kuwo ku dhisnaa iskaashi iyo isku duubni uu hogaan u ahaan Abwaan Xassan dhuxul laabsaalax, ayaa noqontay Kooxda kaliya ee Fankeeda iskadaa dadka soomaalida ahe dadyowga cadaanku u riyaaqeen, taas oo markaliya qabsatay quluubta shacabka Somaaliyeed iyo guud ahaan bulshada Fanka Xiiseeya, Waxaana inta badan fanka kooxdu u badnaa Heeso iyo Suugaan isugu jirta Wacyigalin, Dhiirigalin, jacayl iyo kuwo qaranka somaliland ay kusoo bandhigeen marxaladii ay soomartay.

Fanka Kooxda Xidigaha geeska oo la Tisqaaday Horumarka iyo Isbedelada ka socoda dunida,islamarkaana  dhalinyarta iyo jiilka wakhtigan Nool ee Somaaalidu meelkasta oo ay dunida kagaga sugan yihiin ahaayeen kooxda kaliya ee suugaanteeda ay wakhtiga ku qaadato dhegaysigeeda, ayaad mooday mudooyin dhexdaas in hoos u dhac ku yimid Fankii kooxda iyo Suugaantii qiimaha badnayd ee ay shacabkooda La wadaagi jireen.

Waxaana hoos u dhacaasi yimid kadib markii isfan la’aan yar oo dhex timid kooxda, ay Sababtay inuu baneeyo Hogaaminta Kooxda Abwaan Xassan dhuxul laabsaalax oo Tiirdhexaad u ahaa Fanka Kooxda Xidgaha geeska, walow arrintaasi aaney farxad galin badiba fanaaniinta kooxda oo u arkayey inay wiiqmayso wadajirkii kooxdu, haddana ma noqon taasi mid meesha ka saarta kooxda balse waxaa hoos u dhacweyni ku yimid fanka kooxda.

Hadaba Wakhtigan oo uu mar labaad majaraha Hogaaminta u qabtay Kooxda Xidigaha geeska Abwaan Xassan Dhuxul Laabsaalax  oo ay soo noolaatay Wadajirkii iyo isku Duubnidii Kooxda Xidigaha geesku Ayaad Moodaa Inay Wacdaro hor leh lasoo baxeen bilihii ugu danbeeyey suugaanta ay soosaareena sida daadka isaga soo daba dhacayeen.

Waxaana Mar kaliya lagu war helay Bandhig suugaaneed ay dhawaan kooxdu qabatay oo ay kusoo saareen Heeso Murti , Mulaxan, Midho Muusigba koobsaday, Taas oo Heesaha ugu badan ee fanaaniinta xidigaha geesku qaadeen aaney midna mid ka dhicin ayaa waxaa badi ereyada iyo Laxanka heesahaba Maskaxda tuujiyey oo ay kasoo burqadeen Abwaan Mucjisada fankiisu noqday ee Xassan Dhuxul laabsaalax, Waxaan bandhigan Dhawaan ay Kooxdu Kusoo bandhigtay magaalada hargeisa oo hirgalintiisa lahaa abwaan xassan dhuxul laabsaalax ay kooxdu ku sheegtay inaaney marnaba ka caajisin suugaantii ay la wadaagi jireen bulshada balse uu jiray Bilihii ugu danbeeyey Mashquul kale oo ay Soowado Kooxdu Filim Wakhti badan qaatay oo ay metelayaan kooxda Xidigaha Geesku, curintiisa iyo fikrada Filmkaasna uu leeyahay Abwaan Xasssan Dhuxul laabsaax, Sidaas Waxaa bandhig Suugaaneedkan ka Sheegay Abwaan C.raxman Cismaan Cumar Xaaji oo ah Afhayeenka Kooxda Xidigaha geeska.

Abwaan Xassan Dhuxul Laabsaalax ayaan ku koobneyn Kaliya Curinta sugaantaasi balse Waxaa Sannadihii ugu danbeeyey  uu fagaarayaasha Jaamacaha iyo Dugsiyada Kala duwan ee Dalka iyo Dawlad deegaanka Somaalida Ethiopia uu uga jeediyey Khudbad Dhaxal gal oo Xasuus aan yaren ku reebay dhammaan intii dhegaysatay ama ka qayb gashay Xafaladahaasi.

Abwaanka oo ilahay isugu daray Aqoon ,aftahanimo, aragti fog iyo currinta suugaanta qiimaheedu yahay mid tacajab galinaya ayaa dadka in uun daawaday khudbadahaasi kala duwan ee uu jeediyey abwaanku ku Sifeeyeen inuu yahay Tababare Nololeed, Dhiirigaliye iyo qof aragtidiisu ka turjumayso waayaha Jooga Waxa soosocda iyo Waxa loo baahan yahay In wakhtigan jiilka cusub ee da’yarta sookacaysaa ay Culayska saaraan.

 

Hadaba Maxay yihiin Suugaanta Dhawaan ay Soo bandhigtay kooxda Xidigaha geesku ee uu Abwaan Xassan Dhuxul Midhaha iyo Laxankeeda Ku Faroyareystay.

 

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network