Madasha Xisbiyada Somalia: “Isku day weerar ayaa lagu soo qaaday hoyga Shariif uu ka degan yahay Muqdisho”

Muqdisho(GNN):-Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay inay dhalleecaynayaan isku-day ay madashu sheegtay inuu muuqday weerar gaadmo ah oo qorshaysan oo ciidamo hubaysan ay ku hareereeyeen xarunta Madasha iyo hoyga guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Shariif Sheekh Axmed.

Qoraal ay soo saartay Madasha ayey ku sheegtay in arrimahan ay dhaceen habeenadii isku xigay ee 22 – 23 Maarso 2020 magaalada Muqdisho, taasoo xadgudub ku ah xurmada madaxweynihii hore, isla markaana ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo hanaanka dowladnimada, sida lagu sheegay war saxaafadeedkaasi.

Madashu waxay sheegtay inay u aragto in dhaqdhaqaaqaas ciidan uu ahaa isku day shirqool lagu bartilmaameedsanayey hogaamiyaha madasha xisbiyada qaranka iyo inay ahayd arrin lagu abuurayo xasilooni-darro siyaasadeed iyo mid amni oo Villa Soomaaliya ay gadaal ka taagan tahay, waa sida lagu qoray war saxaafadeedka.

War saxaafadeedka ayaa madashu ku sheegtay In saraakiisha iyo ciidamada qaranka looga digayo in aan loo adeegsan hurinta colaado iyo isku dhacyo ciidan, lagana weecin hawlahoddii qaran ee loo igmaday.

Dhinaca kale waxaa arrintaas ka jawaabtay Wasaaradda Amniga Gudaha oo sheegtay inay waxba kama jiraan yihiin eedaha lagu xusay qoraal lagu sheegay in qaar kamid ah hay’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Mudane, Shariif Sheekh Axmed.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Madaxweynaha haatan xilka haya iyo labadii Madaxweyne ee ka horreysay ay dhammaantood amnigooda sugaan askar ka wada tirsan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, sidaas daraadeedna aysan suurtagal ahayn wararka haatan la faafinayo, waa sida lagu qoray war saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga.

Waxaanu adkeynaynaa in Madaxweyneyaashii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin Madaxweyneyaal dalkan ka soo samata-bixiyey marxalad adag, qarankana ay ku leeyihiin tixgelin gaar ah, amnigooduna uu yahay waajib qaran oo ay u heellan yihiin ciidamada loo igmaday ilaalinta Madaxda Qaranka soo martay, ayey sheegtay Wasaaradda Amniga.