Alle haw Naxariistee Waxaa Caawa Dalka Ingiriiska Ku Geeriyootay Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi.

Hargeisa(GNN):-Alle haw Naxariistee Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi oo ka Mid ahayd Xildhibaanada Golaha Deegaanka degmada gabiley oo todobaadyadii ugu danbeeyey ku xanuunsaneyd dalka ingiriiska, ayaa Caawa Ku Geeriyootay Dalka ingiriiska Cusbitaal ay u jiiftay Wadne xanuun, laga helay kadib markii ay ka ladnaatay xanuunka covid 19, halkaas oo ay safar u tageen xubno xildhibaano ah oo uu Hogaaminayey maayirka Degmada gabiley ayaa Marxuumadu Waxaa haleelay xanuunka Safmarka ee bulshada dunida saameynta weyn ku yeeshay, Geerida xildhibaanada oo uu Shabakada Gabiley News Network u xaqiijiyey Aqoonyahan Axmed Sheekh Nuur Ducaale Axmed Biito oo kamida ehelada Marxuumad Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi ayaa bulshada la wadaagay Tacsida Marxuumada.

Alle Haw Naxariisto Marxuumad Xildh Cibaado Maax

Waxaanu Ku Bilaabay Hadalkiisa.

ALLE HA U NAXARIISTO. NOOLE BA WAA DHINTE. Caawa ayaa xaqii u yimid habaryaro xildhibaan #Cibaado #Maax #Cilmi. Illaahay qabriga ha u nuuro, dambigeedii ha dhaafo, jano fardawsa ha geeyo. Qoyskii, Qaraabadii; Eheladii, Golihii Deegaanka iyo guud ahaan qaranka Somaliland ee ay ka baxday na Alle SW samir iyo iimaan saadiqa ha inaga wada siiyo. Aamiin Aamiin. 

Fiiro Gaar ah: Tacsi meel la iskugu imanayaa ma jirto ee dhamaan qofkastaa gurigiisa ha uga soo duceeyo maadaama ay duruufaha xaalada caafimaad ee taagani ayna inoo saamaxayn. Qofkastowba halkaad joogto uga soo ducee.

Anigoo Ah Ahmed Biito oo ku hadlaya afka qoyska xildhibaan Cibaado Maax Cilmi waxaan la socodsiinayaa dhamaan ehelada iyo asaxaabta in qofkastaa halka uu joogo kasoo tacsiyeeyo oo uga soo duceeyo Alle ha u naxariistee xildhibaan Cibaado Maax. Maadaama oo ay tacsida iskugu yimaadaan dad waa wayn, xanuunkan Coronavirusku na uu ku faafayo isku imaatinka dadka waawayna ay halia u yihiin waxaa la isku raacay inaan la isku iman ee qofkastaa tacsida halkiisa kasoo diraa oo uga soo duceeyaa. 

 

Tacsi Taa lamid aha Waxaa u Diraya ehelada Marxuumad Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi Dhamaanba Hawlwadeenada iyo Shaqaalaha Shabakada Gabiley News Network

Oo ka Tacsiyadaynaya ehelkii iyo Qaraabadii ay ka Baxday marxuumadu iyo sidoo kale Golaha deegaanka Degmada Gabiley ee ay ka tirsaneyd, Noolba Waa dhinta Waxaan ilahay uga baryeynaa Marxuumada inuu Qabriga u Waasiciyo ku arsaaqo janatul Fardowsa. Aaaamin Aaamin Yaa Rabi.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network