Ganacsade Faysal Faras Oo Xukuumada iyo Ganacsatada Somaliland Usoo Jeediyey In ay Iska Kaashadaan Soo Iibinta Qalabka Lagu Baadho Xanuunka Corona iyo Mishiinka Ogsajiinta.

Hargeisa(GNN):- Ganacsade Faysal Faras oo kamida ganacsatada reer somaliland ee shirkadaha qaad ayaa maanta mar uu la hadlayey gudida ka hortaga Dawlada ee Xanuunka Corona Virus usoo Jeediyey in ay ceeb ku tahay qaranka in marba qofka xanuunka looga shakiyo la yidhaa  waxaa lagu soo baadhayaa dhiigiisa dalka dibediisa, waxaanu balan qaaday una soo jeediyey ganacsatada kala duwan ee reer somaliland in uu kow ka yahay ganacsatada bixinaysa lacagta lagu soo iibinayo qalabka lagu Shaybaadho Xanuunka Corona Virus, Sidoo kale Waxaa uu Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay in Ay ka Ganacsato ahaan diyaar u yihiin bixinta wax kasta oo ku baxaya soo iibinta Mashiinka sameeya ogsajiinta qofka xanuunsanaya  lagu xidho, isagoo sheegay inay ay lagama maarmaan tahay haddii xanuunkani uu saameyn ku yeesho dalka somaliland waxa loo baahan yahay ay tahay ogsajiinta qofka xanuunsan lagu rakibo.

Ganacsade Faysal Faras ayaa Balan Qaaday inuu Diyaar u yahay Noqonaya qofka ugu horeeya ee Bixinaya lacagta, sidaas daraadeedna xukuumad iyo ganacsatoba layska kaashado lagana wada qayb qaado sidii loo heli lahaa waxyaabaha aadka ay bulshadu ugu baahan tahay.

Talabaaadan Ganacsade Faysal Faras Ayaa Noqotay mid ay ku farxeen soona dhaweeyeen shacabka somaliland kuna tilmaamay ganacsade la dareen ah bulshadiisa, iyadoo arrimaha ay bulshadu aadka usoo dhaweysay ay kamid yihiin markii uu ganacsade faysal faras oo kamid ganacsatada ugu waaweyn somaliland ee qaadka keena uu balan qaaday inuu diyaar u yahay haddii la joojinayo keenista qaadka, qaadka oo yimaadana ay ka qiimo badan tahay badbaadada shacabka somaliland oo ah buu yidhi kuwa aanu ka dhex ganacsano ee aanu heerka ku gaadhnay.

 

Si kastaba ha ahaatee Fikrada ganacsadan oo la odhan karo kuwo ku qotoma waaqica bulshada somaliland haysta, ayaan la hilmaamin karin in cusbitaalka weyn ee magaaalada ay tiraba dhawr qof ugu geeriyoodeen kadib markii laga waayey caasimada somaliland ogsajiin lagu rakibo bukaanka la soo dhigo dhakhtarka, iyadoo madaxweynaha somaliland oo dhawaan wax laga waydiiyeyna uu sheegay inay dalbeen.

Qorshahan uu ibo furay ganacsade Faysal Faras ayaa haddii ay xukuumada somaliland la qaadato oo ay iska kaashadaan ganacsatada reer somaliland noqonaysa mid baahin weyn oo bulshadu u qabto qalabkaasi ka daboosha, iyadoo xukuumada laga dhursugayo Jawaabta xigta ee ay qaado fulinta talooyinkaa ganacsadaha da’da yar.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Ganacsade Faysal Faras.