Hogaamiyeyaal Afrikaan oo difaacay ha’yadda WHO iyo ninka madaxda ka ah

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku tilmaamay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka iyo ninka madaxda ka ah Tedros Adhanom Ghebreyesus inay qabteen howl weyn kaddib markii ay dhaleeceen uga timid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii sheegay in Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ay u shaqeyso Shiinaha isla markaana uu si weyn u maalgeliyo Mareykanka.

Trump wuxuu ku hanjabay inuu joojin doono maalgelintii ay ku bixin jireen Ha’yadda Caafimaadka Adduunka.

Mar sii horreysay, guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat , madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame iyo madaxweynaha Namibia Hage Geingob waxay difaaceen madaxa ha’yadda WHO.