Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Tahliwayday In Ay Talaabo Ka Qaado Telefishan Caadaystay Meel Ka Dhaca Qaranka Jsl.

London(GNN):-inkasta oo Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi ay dib ugu soo celisay warbaahintii xadhkaha goostay ee qaranimada somaliland marwalba deelqaafka iyo gafafka dawladnimo kul kicijiray, haddana wali waxaa jira Telefishano Siyaasada iyo Aragtida maamulka Mudqisho si dad badan ugu shaqeeya kuwaas oo marwalba ku hawlan kagagana mushahar qaata madaxweyne farmaajo faafinta iyo buunbuuninta Barnaamijyo  Qaranimada Somaliland  meel laga dhacayo, Waxaana inta la ogyahay telefishanada sida qaawan ugu ban baxay aflagaadooyinka qaawan ee qaranka somaliland uu u gaysanayo kamid ah Telefishanka lagu magacaabo Universal Tv, kaas oo haddii aynu kasoo qaadano sannadkan ugu danbeeyey ee 2020 barnaamijyada iyo aflagaadada lagula kacay qaranimada somaliland ee ka baxay ay yihiin kuwo si joogta ah hadda todobaadkasta looga baahiyo.

Waxaa Shacabka Somaliland Dhawanahanba ay is waydiinayaan sababta ay Xukuumada Somaliland Talaabo uga qaadi wayday dhacdooyinkan soo noqnoqday oo tiraba labadii wiig ee ugu danbeeyey Talaabooyinka uu ku kacay telefishankaasi ay yihiin kuwo badheedh ah oo meel ka dhac ku ah qaranimada iyo masiirka shacabka somaliland,

Sidoo Kale Qoraa Boobe yuusuf ducaale oo ah Xeeldheere eebe hibo u siiyey afka iyo dhaqanka suugaanta, si dhowna ula socoda talaabooyinka ay soo maleegaan maamulka farmaajo iyo ciidankiisu ayaa tooshka ku ifiyey arrimaha aan loo dul qaadan karin ee ay caadaysteen wiilshan laga quudiyo vila somalia, ee sababta telefishankan loogu naasnuujiyaa tahay Kala faquuqa in marba ay kusoo dhextuuraan shacabka somaliland, barnaamijyo aan dhagahoodu jeclaysan oo ka baxsan shuruucdii warbaahinta xorta ah, ama dhexdhexaadka ah.

Waxaan qoraa boobe wakhtigaasi sheegay in haddii ay xukuumada somaliland talaabo ka qaadiwaydo telefishankan  ay shacabka somaliland Talaabo ka qaadi doonaan.

Waxaana Arrrimaha Shacabka Somaliland Wakhtigan iswaydiinayaan tahay Sababta Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta jsl Mudane Saleebaan Cali Koore uu Talaabo uga qaadi waayey ficiladan foosha xun ee sida joogtada ay kooxda telefishankan iyo cida ka danbeysaa ay qaranimada somaliland ugala soo badheedhayaan.

Telefishankan Ayaa Kamid ah kuwa Sida tooska ah iyo sida dadbanba uga dhex shaqeysta Dhamaan gobolada iyo Degmooyinka somaliland, iyadoo Dhaqaalaha kasoo galaa sanadkii uu ka badan yahay boqolaal kun oo dollar taas oo ah cashuurta danyarta laga qaado iyo ganacsatada somaliland oo haddana iyaga  lagu burburinayo qaranimadoodii.

Ficilada Telefishankan oo ah kuwo aan loo dul qaadan karin ayaa Haddii aaney Si degdeg ah Talaabo uga Qaadin Wasaarada Warfaafinta  Somaliland Noqon doona kuwo jid cusub u fura Warbaahinta dalka, islamarkaana ay wax caadiya noqoto inuu dalka ka dhexe shaqeeyo Telefishan lacag kusoo qaatay Burburinta iyo Xaqiraada Qaranimada somaliland.

Halkan Ka Daawo Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale Oo Banaanka Keenay Arimo Bulshada Ka Qarsoonaa.

 

 

Gabiley News Network

Contactgabileynews@gmail.com

London Office