“Deni Wuxuu Diiday Xuquuqdii Yareyd Ee Dastuurku Siiyay Ku-xigeenkiisa”Gudomiyihii Dhoobo-daareed+ [ Muuqaal

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuu masuul ka yahay khilaafka kala dhexeeya ku-xigeenkiisa Axmed Karaash

Waxaa uu sheegay khilaafka Deni iyo Axmed Karaash uu ka dhashay markii Madaxweynuhu diiday inuu la tashado ku xigeenkiisa. Wuxuuna tilmaamay inuu kamid ahaa dadkii xaliyay khilaafkaas si uusan bannaanka ugu soo bixin

“Deni wuxuu dulmiyay xuquuqdii yarayd ee uu dastuurku siiyay madaxweyne ku xigeenka, oo ah inuu la tashado. Tashigu sidiisaba waa dastuuri khasab ah,” ayuu yiri Mr. Dhoobo daareed.

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland ayaa sheegay Puntland aysan kusii jiri karin in ay talada gacanta ugu jirto Madaxweyne Deni iyo kooxdiisa oo kaliya, isagoo intaas ku daray in loo baahan yahay in dastuurku ka sareeyo cid walba.

Madaxweyne Deni waxaa uu kasoo horjeedaa in talada Puntland ay wax ku yeeshaan dadka ugu dhow ee la shaqeeya sida Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka Baarlamanka taasna ma ahan mid la aqbali karo” ayuu yiri Dhoobo-daareed.

C/xakiin Dhoobo-daareed ayaa laftiisa xilka looga tuuray mooshin uu dhiig ku daatay bishii November ee sanadkii hore kadib markii ay is khilaafeen isaga iyo Madaxweyne Deni.