Ilhaan Cumar: maxay ka tiri ibtilada ka oogan Minneapolis?

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo aqalka Congress-ka Mareykanaka ku matasha Minneapolis ayaa sheegtay waxa magaalada ka socda iney yihiin wax aad looga calool xumaado.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo BBC wareysi gaar ah siisay waxay sheegtay iney khalad tahay magaaladeenna oo gubaneyso inaan ku fiirsanno.

“Waxaan ku dadaaleynaa sidi loo ilaalin lahaa dukaamada iyo goobaha kale ee ganacsiga ee magaalada ka jira, Baarasaabka, Maayarka Minneapolis iyo Maayarka Saint pole waxay aad iyo aad uga shaqeyn hayaan oo ay dadaal ugu jiraan sidi badqabka iyo amniga bulshada ay u adkeyn lahaayeen.”

“Annaga waxaan ku dadaaleynaa sidii aan bulshada ugu sheegi lahayn iney bulshooyinkooda iyagu ilaaliyaan oo ay fiiriyaan dadka iyaga ka baxsan ee bannaanka ka imanaya ee isku dayaya iney dhibaatooyin ay dadka u geystaan” ayey tiri.

Ilhaan cumar oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa sheegtay arrimaha noocani ah ee soo noqnoqday iyo dhacdadan ugu dambeysay ee ninka madowga lagu dilay iney cashar ka qaadanayaan.

“Wiil miskiin ah ayaa la dilay oo ay boolisku dileen, waxaan ka shaqeyneynaa iney booliisku mardambe ay helin fursad ay sidaas oo kale qof naftisa ku gooyaan, taasina waxaan ka soo gudbin doonnaa sharciya cusub oo sidii booliska ay magaalooyinkeenna uga dhex shaqeyn lahaayeen iyo iyagu haddi ay dambi galaan sharcigi lagu qaadi lahaa.”

“Qasaaraha ka soo gaaray ganacsigana waxaa ku dadaaleynaa sidi aan bulshooyinka ganacsatada ee ay qasaaraha soo gaareen taakulo ugu keeni laheen, waan ognahay dad badan ganacsigooda iney gubteen oo dhaqaala badan oo ay ka soo shaqeeyeen ay ku baaba’een, taasina waa shaqa annaga oo dhan aan isku xilsaareyno haddii aynu nahay dadka matalo Minneapolis sidi ay degdeg dakaasi ay taakulo ku heli lahaayeen si ay ganacsiyadooda dib ugu furaan” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Ilhan Omar

Ilhaan waxay BBC u sheegtay eedda uu madaxweyne Trump u soo jeediyey duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey iney khalad tahay madaxweynahana ay ku habbooneyd inuu tiisa ka hadlo halka uu danaha dadka kale soo faragashan lahaa.

“Trump uma maleynayo inuu qof dadka far ku fiiqi karo yahay, haddii uu ahaan lahaa madaxweyne fiican 100,000 oo qof Covid-19 uma dhinteen, ma dhici laheen iney 40,000,000 oo qof ay shaqa la’aan noqdaan, ma dhici laheen iney magaalo kasta oo weyn oo ku taalla Mareykanka iney hadda gubato, anigu haddaan ahaan lahaa Maayarka magaalada Minneapolis waxaan dhihi lahaa taada ka hadal intaadan dadka kale tooda soo faragashan.”

Madaxweyne Trump ayaa maalinti shalay ahayd mar uu ka soo duulayey magaalada Washington sheegay taageerayaashiisa looga yeero ‘Mega’ iney jecel yihiin dadka madow marka hadalkiisaasi ma waxaa la odhan karaa waa mid uu dadka madow cod kaga doonayo mise waa mid uu uga dan leeyahay inuu xiisadda taagan uu ku damiyo, Ilhaan Cumar waxay tiri:

“Waan ognahay doorashadi la soo dhaafay dadka madow ee Trump u codeeyey iney yihiin 3% oo keli ah, haddana waxaan u maleeynayaa siduu u dhaqmayo iyo shaqada uu hayo iney keeneyso iney dadka madowga oo dhan ay u codeynin” ayey tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo aqalka Congress-ka Mareykanka ku matasha Minneapolis oo BBC u warrantay.

Ilhaan Cumar oo hadlaysa ka dib guushii ay ka gaartay tartanka aqalka Koongareeska

Mareykanka maxaa ka socda?

Duufaanno dibadbaxyo rabshada wata ayaa wali ka socda magaalooyin iyo gobollo kala duwan oo Maraykanka ku yaal , waxayna galeen maalintii Shanaad banaanbaxyadani ka dhashay dilkii Goerge Floyd, oo ahaa nin madaw oo askari caddaan ah si ulakac ah u dilay.

Waxaa dhacay khasaare iyo bililiqo aad u farabadan, duqa Minayaabalis ayaa dalbaday xiidammada millateriga ee dalkaas, maadaama xaaladdu isasii tarayso.

Barasaabka ayaa sidoo kale sheegay in waxa haatan ka socda magalada Minneapolis ay xusuusiyeen Muqdisho iyo Baqdaad.

Ilaa 30 magaalo oo ka mid ah dalkaasi Mareykanka ayay mudaharaadyadu haatan ku faafeen.

Los angeles ayaa waxaa laga soo sheegayaa in gaawri ay booliska leeyihiin lagu gubay.

Gaari ay leeyihiin booliska oo lagu gubay Atlanta, Georgia

Halka Atlanta iyo Philadelphia iyagana lagaga dhawaaqay bandow si mudaaharaadyada rabshadaha wata loo xakameeyo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa xaaladaan ka taagan Mareykanka ku eedeeyey kooxa isu abaabulay, dhac iyo bililiqo oo ay dabada ka riixayaan kooxaha ay siyaasaddoodu tahay bidixda fog.

Chauvin oo ah askarigii qoorta uga istaagay George Floyd isla markaana loo haysto dilkiisa, ayaa la xiray gelinkii dambe ee Jimcaha. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago Isniinta, isla markaana dad kale loo qabto dilka ninkaasi, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha deegaanka Hennepin, Michael Freeman.

Derek Chauvin ayaa la filayaa in la maxkamadeeyo Isniinta

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay inuu hayo caddeyn muujinaysa in Chauvin uu ninka dhintay jilibka qoorta uga hayay muddo 8 daqiiqo iyo 46 ilbiriqsi ah, taasoo 2 daqiiqo iyo 53 ilbiriqsi oo kamid ah uusan nuux-nuuxsaneyn Floyd.

Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa si aan horay looga baran ku amartay ciidamada dalkaasi inay heegan galiyaan cutubyo ka tirsan booliska milateriga ah, si haddii loo baahdo ay gacanta ugu dhigaan xaaladda Minneapolis.

George Floyd, oo ahaa 46 sano jir ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay boolis caddaan ah oo luqunta jilibka kaga hayay Floyd.

Muuqaal 10 daqiiqo soconayay ayuu ka duubay qof dhacdadaasi goob joog u ahaa kaas oo uu ka dhex muuqdo Floyd oo ay nafta hayso oo booliska caddaanka ah si ku celcelis ah ku leh “waan neefsan la’ahay”

Xigasho bbc