Somalia-Ku Dhawaad Toban Askari Oo Ku Dhintay Qarax Loogu Aasay Waddo iyo Faahfaahinaha Kasoo Baxaya.

Balcad(GNN):-Wararka ka imanaya magaalada Balcad ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada milatariga dawladda Soomaaliya

Qaraxan ayaa galabta ka dhacay nawaaxiga degaanka Gololey.

Wararka hordhaca ah oo aan ka helnay saraakiisha dhinaca amniga waxay sheegayaan in 7 askari ay ku dhinteen, 3 kalena ay ku dhaawacneen qaraxa, sida uu Warbaahinta  u sheegay ilo wareed dhinaca amniga ah.

Degaanka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa inta badan miimooyinka ku aasa ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kale waxaa aan ilaa hadda la ogayn khasaaaraha dhabta ah ee soo gaadhay ciidamadaasi marka laga yimaado xogaha laga helayo Qaar kamida saraakiisha ciidamada.

Maaha markii ugu horesay ee sidan oo kale ciidamada Somalia loogula eegto Qaraxyo noocan oo kale ah kuwaas oo inta badan ay maleegaan Kooxda alshabaab oo hadba adeegsanaysa khidad iyo khiyaamooyin cusub oo sabab dhimasho iyo dhaawacyo soo gaadha ciidamada iyo Bulshada kala duwanba.

Gabiley News Network