Somaliland: Cadceed Soo Baxaysa Oo Aan Cidna Sacabada Ku Qarinkarin. W/Q: Rugcadaa Saxafadeed Cabdislaan Xariir .

18 May 1991 ayay ahayd markii somaliland ay xoriyadeeda dib ula soo noqtay kadib markii loo soo maray halgan qadhaadh oo dhiig badani ku daatay oo Ay hurmuud ka ahayeen dhaqdhaqaaqii xaq udirirkii Snm oo dagaal lagalay dawladi awooda badnayd ee Siyaad Bare islmarkaana wiiqay cududii milatari iyo awoodi ciidan ee taliskii somaliland .

tan iyo maanto la xusayo 29 guurada ka soo wareegtay 18may 1999kii somaliland waxay soo maratay marxalado kala duwan oo ay ugu adkaayen duruufo dagaalo sukeeye oo ka dhacay wadanka oo marmarka qaar xaaladu meel xun gaadhsiiyay, hadan sikasto waxa yihiin dadka heer somaliland kumaynu riyoonin inay waxa udhiman xuriyada iyo madaxbanaanida jamuriyada somalailand waayo waxay ogyihiin miiskanka qadiyada madaxa banaanidu inta uu leegyahay taasi iyo inay usoo dhinteen kumanaan kamida dadka reer somaliland oo kumanaankalena u naafooben hantibadana ay ku burburtay inakasto mudada 29 sano ah aanay haysan somalailand aqoonsi caalamiya hadana waa dad ku qanacsan madaxbanaanida dalkooda somalailand iyo in dalkoodu ka go’o somalilada inteedakale lagamana yaabo inaanay marnaba ka noqdaan hadaanay xata ictiraaf helayn 100 sane soo socda waxayna aaaminsanyihiin jiritaanka magac jamuuriyada somaliland iyo calanka tawxiidku kuyaale ee ka dul babanaya oo ay u arkan inay kaga maydheen waxay dhib usoo mareen xuriyada dalkooda somalailand manta horumarka iyo badhaadhaha gaadhay .

waxa hadaba xusid miudan inay tan iyo curashadeedi somalailand ay cadaw fara- badan yeelatay oo gudaha iyo dibadaba ah kuwaasi oo ubadan dadka somalida ee aanu kala gonay iyo maamulkooda dawliga ah iyo qaar kamida wadamada jaarka ha ugu sii darnaato dawlada manta Xamar ka jirta ee uu hogaamiyo farmaajo oo ay moodo inay siyaasad ka dhigatay xaasidnimada somaliland iyo dad u daba dhilifeeya oo isugu jira qaar ku dhuumanaya mihnada saxaafada iyo kuwakale oo calooshoda u shaqaystyaala kuna qudhaabta magaca somalailand oo uu ku shaqaysto farmaajo markaasina ku hadla waxayaabo ka dhan ah madxbanaanida iyo xoriyada jamuuriyada somaliland isla markaasina ku hadaaqa midnimo iyo waxan dib loo helayn waxa halkan ku xusaya dadbadan oo walaalnimda iyo somalinimadaba jecel oo marar badana ku baaqa in somliland iyo somaliya la heshiisiyo kuwa waxanu lenahay waad mahadsantihiin.

dareenka wanu idinla qabna hiil iyo hooba diyaarbanu unahay inaanu isla kiin garabtaagno laakin midnimo maya kuwa ducaynta iyo afxumada iyo maaga qaranimada iyo shacabka somalailand waxan leyahay xoriyada somaliland waxay ku timi qori caaradi markale hadii loobahado ama laga fiirsanwaayo waxanu diyaar unahay inaanu dhiig udaadino qaranimada somaliland inta ka sokaysana khiyaaliga naftiina ugu sheekeya dagaal yahankii snmna muu dabar dabargoin .

Waxaan dawlada somaliland odhan lahaa indho badan ha uyeelato mashaariicda aan waaritaanka lahayne xamar dabada ka riixayso .

waxan kaga baxayaa murtidi Abwaan Salaan Carabay.

hadaad ficil hinaasiday asaad hiilinkariwayd ma afkaad ka hawlbixi cidlaad kanjabaysaaye.

Qoraalka C.salaan Xariir Sh.Cismaan cabdisalaan446@gmail.com