Walaalka Ninkii Lagu Dilay Maraykanka Oo Ka Xanaaqay Been Uu Trump Ka Sheegay

George Floyd walaalkiis waxaa wacay Madaxweynaha Mareykanka, laakiin wada-hadal wanaagsan ma jirin, sida uu sheegay Philonise Floyd.

Philonise Floyd ayaa hada dalbanaya in afarta sarkaal ee booliiska ee ku lugta lahaa dilka walaalkii la xukumo ciqaabta dilka.

Philonise Floyd ayaa meesha ka saaray hadlkii Trump sheegay ee ahaa in uu wacay qoyska Floyd, si fiicana u wada hadleen, isaga oo ku sifeeyey in ay yihiin qoys cajiib ah.

– Taasi si dhakhso ah ayey u dhacday. Fursad iima uusan siinin inaan la hadlo. Waan isku dayay, laakiin wuu iska indho tiray. Ma uusan dhageysanaynin waxa aan ku idhaahdo. Waxaan isku dayay inaan dhaho waxaan rabaa cadaalad, ayuu yiri George Floyd walaalkiis, Philoinse Floyd, oo u waramay warbaahinta.
Waraysigan, Philoinse Floyd sidoo kale waxa uu kaga hadlayaa murugada iyo maqnaanshaha walaalkiis kadib. Intii uu socday wareysiga TV-ga wuxuu bilaabay inuu u ooyo si xoogan.

Wuxuu aaminsan yahay in gabi ahaanba aan la fahmi karin in walaalkiis dhintay ka dib markii ay xidheen afar sarkaal oo bilays ah. Intii lagu jiray dilkiisa, George Floyd wuxuu dhulka ku sugnaa dhowr daqiiqo. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa isla waqtigaas wuxuu jilibka uga hayey qoorta Floyd, kaasoo si isdaba joog ah ugu qayliyay inuusan neefsan karin.

Warbixinta horudhaca ah ee tijaabada ayaa sheegeysa in George Floyd uu u dhintay neef qabatow, waxaa kale oo jirta aaminaad guud oo rumeysan in Floyd uu sii noolaan lahaa haddii saraakiisha booliisku aysan dhulka ku sii cadaadin.

– Waan jeclahay walaalkay waligeyna mar dambe ma arki doono. Walaalkay uma qalmin tan, ayuu yidhi.