Nuxurka shir ay yeesheen qeybo ka mid ah Jaalliyadaha SL ee Europe 

Shirka waxa  Ka soo qayb galey;

 1.Guddoomiyaha Jaaliyadda belguim .

2. Guddoomiyaha Jaaliyadda France

3. Guddoomiyaha  Jaaliyadda  Germany iyo 

4. Guddoomiyaha Dalladda SSNL Holland.

oo ay ku qabsadeen aaladda internet-ka ( video conference) 22.06.2020 waxay isla gaadheen qodobadan hoos ku xusan:-

 1. waxay ugu horayn taageereen shirkii wadahadalada

Somaliland iyo Somalia  ee jabuuti iyo 3da qodob ee ka soo Baxay, waxayna u’arkaan inuu yahay shir ay somaliland sumcad wayn kaga kasbatay, bulshada caalamkana qadiyadeeda ugu soo ban dhigtay fagaare caalamiya, sidaa darteed waxay hambalyaynayaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ergadii shirka kala qayb gashay iyo guud ahaan shacabka jamhuuriyadda somaliland.

 2.  Waxay qurbajooga Somaliland ku baraarujinayaan inay adkeeyaan midnimada iyo 

wadajirkooda, doorkoodana ka qaataan halganka  loogu jiro ka midha dhalinta qaddiyadda masiiriga ah ee Somaliland. 

 3. waxay walaac weyn ka muujiyeen kaalinta Dalladda SSE ay ku lahayd abaabulka shir weynaha Sannad laha ahaa ee SSE iyo Jaaliyadda  oo aan haba yaraatee qabsoomin muddo afar Sannadood ah oo ay igu dambeysay 2016 oo ay Jaalliyada Sweden marti gelisay.

 4.waxay isla af garteen in ay kulan ama shir ay isugu yimaadaan jaaliyadaha Somaliland  ee europe si hawlaha wadamadan ka dhexeeya loo dardar geliyo isla markaana loogu sii gogol xaadho  ka midho dhalinta in sida ugu dhakhso badan uu u qabsoomo shir weynihii  sannad laha ahaa ee muddadaa dheer baaqday.

 5. waxay  islaqaateen in loo baahan yahay in wadamada  Holland, Belgium, France, Germany, Austria iyo Switzerland   ay yeeshaan iskaashi iyo wada shaqayn dhow, waxayna Jaalliyadaha 

Kale ee Europe ugu baaqayaan inay is garabsadaan xidhiidh joogto ahna yeeshaan.

 6.  wadamadani waxay samaysteen ’’Xidhiidhiye” (coordinator)   oo loo doortay Cabdiraxmaan Wacays (Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee belguim)  

 7. ugu dambeyn shirku wuxu isku raacay in sidan oo kale aalaladda internetka ay bishiiba mar ku qabsadaan kulamadooda.

 

 Abdirahman Wacays; Xidhiidhiyaha ahna Guddoomiyaha Jaaliyadda Belguim

 iwacays@yahoo.com

0489905545