Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Wiil Da’yar Oo Tiriyey Gabay Ku Lidi Ah Hogaanka Dalka.

Hargeisa(GNN):-Wararka ay Helayso Shabakada Gabiley News Ayaa Caawa Fiidkii u xaqiijiyey in ciidamada booliska somaliland ay ka qabteen Abwaan da’a yar oo lagu Magacaabo Shucayb Yare  xili uu ku sugnaa gurigiisa.

Xadhiga wiilkan dhalinyarta ah ayaa loo aaneynayaa inay  ka danbeysay kadib markii maalmo ka hor uu tiriyey maanso uu ku dhaliilayo Hogaaminta madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Inkastoo ay Jiraan Abwaano dhawr ah oo iyaga Laftoodu Todobaadyadii Lasoo Dhaafay  Gabayo kala duwan Hogaanka qaranka ku dhaliilay qaabka ay u wadaan shaqada qaranka, iyo Shirkii ay somaliland kula yeelatay madaxda somalia dalka jabuuti iyo nuxurka qodobadii kasoo baxay  haddana ma ay dhicin in la xidho.

Halkan Ka Daawo. Muuqaalka Maansada uu Tiriyey Shucayb Yare.

https://youtu.be/dVt51uMSXYE

 

Halkan ka Daawo Abwaanada Kale iyo Suugaanta ay Tiriyeen Wiigii Hore

https://www.facebook.com/weedhsameXasan/videos/294823531559483/