Dallada Nafis Network ayaa Maanta u Qaybisay bulshada Agab Caafimaad iyo Mid Waxbarasho.

Hargeisa(GNN):-dallad nafis network oo ka shaqeysa la tacaalida gudniinka fircooniga oo ah aafo dhibaato weyn ku haysta haweeenka ayaa waxaa ay maanta gaadhsiiyeen agab kala duwan oo isugu jira mid caafimaad iyo mid waxbarasho  dadweyne kala duwan oo isugu jira Haweenka ku nool goobaha barakacayaasha dalka iyo sidoo kale agab caafimaad oo wakhtigan ka hortaga xanuunka corona virus lagula tacaalayo.

Waxaana Dallada Nafis Network ka caawinayey Qalabkan Caafimaad iyo agabka waxbarasho ee ay Ku Wareejinayso Bulshada kala duwan ee kunool gobolada maroodijeex iyo Burco Hay,ada Lagu Magacaabo Plant International.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN

 

 

Dhinaca Kale Dallada Nafis Network waxay Warsaxaafadeed Ka soosaartay kor u kac ku yimid wakhtigan saameynta Xanuunka Covid 19 Gudniinka Hablaha iyadoo jaaniska looga faaiideysanayo ay habluhu guryaha joogaan.

Halkan Hoose Ka Daawo Warsaxaafadeedkaasi.