Guddoomiye ku-xigeenka SOLJA iyo wariyeyaal raali-gelin ka bixiyey dhawaaqyadii dheef doonka Saxaafadda

Hargeisa(GNN):-Maamuleyaal iyo Wakiillo Telefishano ka shaqeeya Somaliland, ayaa raali-gelin ka bixiyey hadal maalmo ka hor ka soo yeedhay xubno sheegtay Ururka Telefishanada Somaliland oo ku andacoonayey in la siiyey kharash ka yar qoondadii loogu talo-galay wacyi-gelinta Covid19.

Dareen daba socday hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa waxa ay mulkileyaal telefishanno maxali ah lihi ku dooddeen in laga leexsaday mushqaayadii wacyi-gelinta oo la sii wax faro guudkood ah.

Hase ahaatee xubnaha maanta hadlay oo uu kamid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka Ururka SOLJA iyo laba xubnood oo kamida guddida fulinta Ururkaasi, ayaa ceeb iyo wax laga xishoodo ku tilmaamay hadallada ka soo yeedhay masuuliyiinta sheegtay madaxda Ururka Telefishanada.

Waxa ay sheegeen in aanay ka suurtoobin in ay dhaqaale ku gorgortamaan, iyadoo lala tacaalayo badbaadada nololsha dadka, isla markaana lala dagaalamayo cudur halis ah oo dilaa ah.

Xubnaha ayaa raali-gelin ay u direen shacabka iyo Guddida ka-hortagga Covid19 ka bixiyey dhawaaqa ka soo yeedhay masuuliyiinta hore ee hadlay.

“Mulkileyaasha Telefishanada ee hadlay waxa ay lamid yihiin Ganacsatada Somaliland ee bixinaya qaadhaanka ee iyagu ma bixiyeen…”ayuu yidhi Faysal Aadan oo Telefishanka Somalicable wakiil uga ah Hargeysa, sidoo kalena xubin ka ah guddida fulinta Ururka SOLJA.

Waxa kale oo ay soo dhaweeyeen hadal waayeelnimo oo uu Wasiirka Warfaafintu u jeediyey xubnaha hadlay iyo guud ahaan Saxaafadda, kaasoo ahaa in wixii cabasho ah ee la qabo xalkeeda uu diyaar u yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Saxaafadda Somaliland ayaa ilaa hadda door laxaadle kaga jirta la-dagaalanka cudurka dunida faraha baas ku haya ee Covid19