khabiirka Michael Rubin oo u dhashay maraykanka ayaa Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ku boorriyey in Somaliland ay ka furato xafiis diblomaasiyadeed.

Hargeisa(GNN):-Aqoonyahanka Rubin ayaa ugu Baaqay Dawladda Maraykanka inay Xafiis ka Furato Somaliland, waxaanu Naqdiyey Donald Yamamoto.
Michael Rubin oo ah Aqoonyahan ka tirsan Mac-hadka American Enterprise Institute, oo mar kale ugu baaqay Dawladda Maraykanka inay Xafiis diblomaasiyadeed ka furato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay dal dimuqraadi ah oo muhiim u ah Maraykanka.
warbixinta khabiirka Michael Rubin ayaa lagu daabacay Wargeyska Washington Examiner, taasi oo uu kaga hadlay wadahadalladii Jabuuti Toddobaadkii hore ku dhex maray Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Maraykanku kaalin ku lahaayeen.
Michael Rubin wuxuu si adag u naqdiyey Siyaasadda danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Donald Yamamoto oo uu ku sifeeyey mid si cad ula safan Soomaaliya oo muddo dheer isku dayey inuu go’doon dhaqaale geliyo Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu dhaqaalaha Maraykanku ugu deeqo Soomaalida uu wada siiyo Dawladda Muqdisho oo Khabiirku ku tilmaamay mid ka talisa dhul masaafadiisu kooban tahay oo ku yaalla Muqdisho isla markaana 16 sannadood hormuud u ahayd dalalka musuqmaasuqu naafeeyey.
Aqoonyahankaasi wuxuu ku dooday inay Somaliland tahay Waddan xor ahaa oo tan iyo markii ay 1991kii madax-bannaanidooda kala soo noqdeen Soomaaliya, muddadaas dheerna ku naaloonayey xasilooni iyo dimuqraadiyad.
Michael Rubin oo horena uga tirsanaan jiray Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku wuxuu ku boorriyey Dawladda Maraykanka inay Jamhuuriyadda Somaliland ka furato xilligan Xafiis diblomaasiyadeed sida ay ugu leedahay xafiisyo Waqooyiga Suuriya iyo Taiwan, waxaanu intaas ku daray in qunsuliyado kala duwan ay dalalka Turkiga, Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin Somaliland.
Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalalka Yurub qaarkood ay xafiisyo ku leeyihiin caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaasi oo aanay wax dhibaato nabadgelyadarro ahi ka jirin oo ay ka dhex shaqeyn karaan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Somaliland dhinaca fal-dambiyeedyada ay aad uga hooseyso kuwa ka dhaca Caasimadaha Yurub.