Khilaafkii Deni iyo Karaash Oo Xal Laga Gaaray

Odayaasaha ayaa ku guuleystay in labadda dhinac ay kawada hadlaan qodobada Muranka badan dhaliyay ee maalmihii lasoo dhaafay taagnaa.

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in ay labada masuul ee u sareysa Puntland aqbaleen in ay kawada hadlaan waxyaabaha ay isku hayeen, lagana gudbo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa cabasho ka muujiyay in Madaxweyne Deni uusan wax la tashi ah kala sameyn talaabooyinka ay uu qaadayo ee ay ka mid yihiin xilka qaadista iyo Magacaabista.

Madaxweynaha ayaa balan-qaaday Latashiga Kuxigeenkiisa, oo ay kawada socon doonan xaaladdaha marba taagan, iyadoo la raacayo qodobada Dastuuriga.