Qoys Danyar ah Oo Baaq Dheer U Diray Xukuumada Somaliland iyo Umada Muslimiinta ah Gurmad Degdedaga.

Hooyo Canab Cumar Maxamed waa hooyo muwaadinada oo ku nool guddaha Magaalada Hargeysa, Dhaawac Soo Gaadhay indhaheeda oo uu sababay Qaraxii ka dhacay Caasimada Hargysa 28kii bishii 10aad 2008 waxaa ay gaadhsiisay in iyada iyo qoyskeedu ku burburaan dhaqaale ahaan iyo awood ahaanba.
Sidoo kale seygeeda oo isna xanuuno noloshiisa la darsay isla markaasina ay u waayeen lacago ay ku daweeyaan ayaa ayaa qeyb ka ah duruufaha adkaaday ee qoyskan dibeda usoo saaray.
Ka hor intii aanay Hooyo Canab soo gaadhin dhibka uu sababay qaraxu, iyada iyo odaygeeduba waxa ay ahaayeen dad muruq maala oo shaqeysta noloshoodana dabara hase ahaatee kadib qaraxaasi waxa ay noqdeen kuwo ku hoos nool dadka kale ee yaqaanay, hada wakhtigan la joogana xaalada aduunka oo dhan ka taagan oo noqotay xataa in dadka jaarka ah ee iska ag dhawi isku talaabi waayaan xanuunka jira awgeed waxaa uu sababay inay waayaan wax ay dhuunta mariyaan.
Waatan hooyo Canab oo ka waramaysa xaaladooda nololeed “ dad masaakiina ayaanu nahay, wax alle wax aanu isla haynaana ma jirto” hooyada oo wajigeeda uu ka muuqdo murugo cid la dareensan iyo cid ay gargaar ka dalbadaa toona aanay jirin ayaa iyada oo hadalkeeda sii wadata waxaa ay tidhi “maalintii qaraxii soomaaliland ka dhacay ayaa laygu soo booday oo xanuunkani I helay, odeygayguna muddo ayuu iga horeeyay, markaa dad aan beydna haysan barana haysan ayaanu nahay”
“halkan aanu deganahay waa nagu amaano, reerka meeshan leh ayaana iska leh jiingadan yarna iyaga ayaa noo dhisay, qoys iska badana iska badana waanu nahay”
Iyada oo lagu jiro xiliyo roobab waa weyni ay ka da’aan magaalooyinka iyo gobalada Somaliland ayaa waxaa ay tilmaamaysaa hooyo Canab dhibaatooyinka ay kala kulmaan daa’dadka roobka maadaama oo goobta ay daganyahiin ay tahay goob biyo mareena oo ku dhaw dooxa magaalada Hargeysa
“habeenkii roobku da’ay banaankaas ayaanu u hoyanay anaga iyo caruurtu, waanu ka baqanaa roobka sababtoo ah saddex jeer oo hore ayuu nala tagay, habeenkaasna indho iskumaanan keenin”
Xaalada caafimaad ee hooyo Canab waa mida sababtay in nolosheedu baa’bado sidaa daraadeedna ay dadka kale caawiyaan waxay ka waramaysaa dhibaatooyinka caafimaad ee haysta oo ay ugu darantahay inay indho laadahay qeybo jidhkeeda ka mida ay biyo ka galeen
“jidhka biyaa igaga wada jira waxaa lugahayga ka muuqdaa waa bararka ay sababeen biyaha igaga jiraa,indhaha mid kama arkayo dhegahaygana habeenkii dhiig iyo biyo ayaa iga yimaada, wax ale wax aan dhakhtar ku tagana waan waayay hooyo, saddex dhakhtar ayaan tagay intuba waxay igu yidhaahdeen lacag qeyral xada lacagtiina waan waayay oo ilahay u daa ayaan yidhi”
ilaahay mooye wax ii maqan ma jiro qofkii noo maqnaan lahaa ee masuulka naga ahaana waakaaso dhulkuu yaala, halkaas aqalka hortiisa ayuu gabalku ugu dhacaa waaguna ugu baryaa”
Iyadoo ay qoyskoodu xaaladan adag ku jiraan hadana waxay hooyo Canab ka waramaysaa xanuunka ay ku hayso lacagta dugsiga ay caruurtu dhigtaan ee la soo waydiiyo maalmahanba
“caruurtu dugsiyay noo dhigtaan kuwaasna dadkaa ilahay uunbaa naga bixiya, maanta 6 bilood oo lacaga keen ayaa laygu lahaa dugsiyadiiba la galayaaye, maanta gidi waan ooyayoo waxaan lahaa maxaad ku bixin wataa lagu leeyahay lacag keene”
Qoyska hooyo Canab Waxay hada walaalaheeda muslimkaa ka codsanaysaa in cidii awooda inay caawiso ay gargaar la garab istaagaan
“walaalahayga muslimiinta iyo ummada nebi muxamedba meel kastoo ay joogaanba waxaan ka codsanaynaa inay na soo caawiyaan, caafimaadku waa qaali caafimaad ayaan u baahanahay hooyo hadii ku dibada naloo helayo iyo hadii ku dalka nala geynayaba

Qoyskan xataa waayay wax uu dhuunta mariyaa waxa ay talaabooyin u jiraan aqalka Madaxtooyada Somaliland laga Xukumo, ma jiro Qoysas la jaara oo caawiyaa maxaa yeelay waxay dhex deganyahiin Hotel Ceel Sheekh oo ku yaala Xaafada Shacabka, dadkii caawin jiray ee xaaladooda la Socdayna Waxaa la soo daristay Xaalada keentay in iyaga laftoodu albaabada xidhaan
Ma jirto xukumad iyo cid kale oo ka warhaysa toona iyadoo wadada gurigooda laga galana ay la jaaryihiin hay’adaha dawladu

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Hooyadan.