USA: Saddex Askari Oo Ka Qayb-qaatay Dilka Ninkii Madowga Ahaa Oo La Soo Xidhay.

USA(GNN):-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka Keith Ellison ayaa dambi ku soo oogay saddexdii Askari ee booliiska ee goob-jooga ka ahaa dilkii George Floyd oo ahaa nin African-American si arxan-darro ah loogu dilay badhtamaha magaalada Minneapolis.

Xeer ilaaliyaha oo shir-saxaafadeed qabtay ayaa Sheehan vinay ayaan caddaymo muujinaya in saddexdii Askari ee la soo siday ka qayb-qaateen Dilka ninkii Madowga Ahaa.

Saddexdan qof ee dambiga lagu soo oogay ayaa waxay kala yihiin a Tou Thao, J. Alexander Kueng and Thomas Lane, waxaana lagu soo oogay in kaalmeeyeen oo ay sahleen dilka Mr. George Floyd.

Haddii ay ku caddaato dambiga lagu soo eedeeyey, waxay muteysan doonaa xabsi ah 40 sanno.

Mudane Ellison ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadani ay caddaalad u tahay qoyskii George Floyd iyo guud ahaan shacabka ku nool gobolkan Minnesota.

Bishii May 25keedii ayaa George Floyd oo 46 jir ah uu u dhintay dhaawac soo gaadhay ka dib markii uu Derek Chauvin oo ka tirsanaa booliska magaalada Minneapolis jilibkiisa qoorta ka saaray muddo ka badan sagaal daqiiqo oo sababtay in uu u geeriyoodo.

Dilkaas ayaa Maraykanka ka abuuray dibed-baxyo waaweyn, Kuwaasi oo toddobaadkan oo dhanba socday.