Booliska Masar oo xiray haweeney caan ka ah barta TikTok

Ciidammada ammaanka ee Masar ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga u taxaabeen haweeney da’ yar oo caan ka aheyd barta TikTok.

Xadeer Al Hady ayaa lagu eedeeyay in muuqaal anshax xumo ah ay soo gelisay barta TikTok.

Haweeneydan ayaa bartaas soo dhigeysay muuqaallo muujinayo iyado oo heeso qaadeyso.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay Masar waxay xabsiyada dhigtay rag iyo haween lagu eedeeyay in barta ay kusoo bandhigeen waxyaabo anshax xumo ah