Ciidanka Booliska Magaalada Wajaale Oo Gacanta Ku Dhigay Tuug Magaalada Hargaysa Ku Dhacay Meherad Oo Muuqaalkiisa La Baahiyay.

Wajaale(GNN):-Ciidamadda Amaanka Ee Magaalo xuduudeedka Tog Wajaale ayaa gacanta kusoo dhigay Eedeysane Saacadihii ugu danbeeyay baraha bulshada lagu soo baahinayay muuqaaladiisa iyo sawiradiisa oo lagu eedeeyay inuu mobil iyo alaabo kale ka dhacay tukaan Hargeysa ku yaal .

Sidaasi waxaa hadda ii xaqiijiyay laba  Xidigle Khadar Cawil taliyaha ciidanka booliiska ee Degmadda  Wajaale ee gobolka Gabiley oo aan khadka taleefanka ku heley , isagoo intaa ii raaciyay in ciidamadu qabteen eedeysanaha xili uu isku dayayey inuu u gudbo dhanka Ethopia kana yimi magaaladda Hargeysa.

Talaabada ay ciidnka degmada tog wajaale ku qabteen tuugan oo doonaya uuu ka gudbo xuduudka ay wajaale la wadaagto dalka itoobiya ayaa noqonay guul ay ciidamadu ku talaabsadeen taasi oo dhanka kalea ka hortagaysa dadka qaadaystay inta ay gudaha Somaliland wax ka dhacaan in ubaxsadaan dalka aynu jaarna nahay ee itoobiya

HALKAN KAGA BOGO  TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO FAAH FAAHIN KA BIXINAYA;

Halkan Ka Daawo Meherada Uu Xaday Ninkan Tuuga ahi.

%d bloggers like this: