Dad loo heysto dilkii Jamaal Khaashuqji oo lagu maxkamadeynayo Turkiga

Turkiga waxaa ka bilowday maxkamadeynta 20 qof oo Sucuudiga u dhashay kuwaas oo loo heysto dilkii weriye Jamaal khaashuqji oo sannadkii 2018-kii lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Eedaysanayaasha waxaa la maxkamadaynayaa iyagoo ka maqan maxkamadda.

Waxaana dadkaas kamid ah labo qof oo horey ugu shaqeyn jirtay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Khaashuqji oo si weyn u dhaleeceyn jiray dowladda Sacuudiga ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Istaanbuul uu Sacuudiga ku leeyahay.

Saraakiisha Sacuudiga waxay sheegeen “dilka aan damiirka lahayn” iney dowladdooda wax shaqa ah ku laheen. Hase yeeshee, hadalka Sacuudiga waxaa su’aal geliyey caalamka oo dhan.

Khaashuqji ayaa maqaallo ku qori jiray wargeyska Washington Post isaga oo geeridiisa ka hor ku noolaa dalka Mareykanka.