Iiraan: “Dabkii ka kacay xarunta Nukliyerka waxaa ka dhashay khasaare weyn”

Afahayeen u hadlay dowladda Iiraan ayaa sheegay in dab Khamistii ka kacay goobta ugu weyn ee lagu sameeyo shidaalka Nukliyerka Iiraan uu khasaare weyn dhaliyay.

Wuxuu sheegay in dabka uu ahaa mid si ‘ula kac ah’ loo fuliyay balse wax faahfaahin ah kama uusan bixin arrintaas.

Afahayeenka wuxuu sheegay in qalabka ku burburay dabka goobtaas lagu baddali doono qalab kale oo casri ah.

Mas’uuliyiinta waddanka Iiraan waxay sheegeen in qarax uu ka dhacay goobta lagu sameeyo shidaalka Nukliyerka isla markaana uu dab qabsaday.

Afahayeen u hadlay ha’yadda quwadda Atoomikada Iiraan wuxuu sheegay in uusa ka hadli karin wax dhaliyay dabka sababo ammaan darteed.

Wuxuu sheegay in ‘dabka uu khasaare lixaad leh horseeday balse aysan jirin cid ku waxyeeloowday’.