Itoobiya: Rabshadihii oo ‘hakad geliyay’ wadahadallada lagu xallinayo muranka biyo xireenka

Rabshadihii dhawaan ka dhacay dalka Itoobiya ayaa horseeday in uu dib u dhaco wadaxaajoodka seddex geesoodka ahaa ee dhexmarayay Itoobiya, Suudaan iyo Masar ee ku saabsanaa muranka ka dhashay biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso.

Wasiirka biyaha Itoobiya Seleshi Bekele ayaa sheegay in dibadbaxyadu ay sababeen in uu hakad galo wadahadallada la filayay inay bilaabmaan horraantii toddobaadkii hore.

Wadahadallada u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa bilowday Jimcihii kaas oo lagu xallinayo muranka ka dhashay biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

Wuxuu sidoo kale wasiirka sheegay in rabshadihii dhawaan ka dhacay dalkaas ay saameeyeen dadaallada looga hortaggayo fiditaanka cudurka Corona isla markaana ay adkaatay in la fuliyo howlihii baaritaanka.

Itoobiya waxaa dhawaan gilgilay mowjado rabshado ah kaddib dilkii fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hunddessa.