Jarmalka oo qaaday qaxooti Soomaali ah iyo kuwo lagu dilay dalkaas

Dawladda Jarmalka ayaa toddobaadkan soo qaaday in ka badan 80 qof oo qaxooti ah oo ay ku jiraan dad Soomaali ah, kuwaas oo laga soo qaaday dalka Greece.

Jarmalku wuxuu sanadahan dambe noqday dalka ugu badan ee Yurub ee qaxootiga iyo magangalyo doonku ay soo galaan, inkasta oo ay joogaan kumanaan qof oo aan sharci haysan oo gudaha dalkaasi ku sugan muddo sanado ah.

Dhallinyaro badan oo Soomaali ah oo tahriib ku galay dalkaasi ayaa tilmaamaya in ay la kulmeen wax ka duwen hamigii ay niyadda ku hayeen markii ay safarada tahriibta ah soo galayeen.

Geesta kale waxa soo badanaya dilalaka iyo gacan ka hadalka ay Soomaalida dhexdooda isku gaysanayaan ee ka dhacvaya gudaha dalka Jarmalka.