Madaxweyne Cagjar Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Somalidda Musafe Maxamuud Cumar Ayaa Xafiiskiisa Madaxtooyada Jigjiga Waxa U Ku Qaabilay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Sulayman Yusuf Koore.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Ayaa Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Somalidda Kala Hadlay Cilaaqaadka Iyo Xiidhiidhka Qotadda Dheer Ee Somaliland Iyo Dawlada Deegaanka Somalidda.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Ayaa Dul Istaagay Xidhiidhka Labada Dhinac Ka Dhaxeeya Sida Amniga Iyo Ganacsiga.

Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Somalidda Musafe Maxamuud Cumar Ayaa Somaliland Iyo Shacabkeeda Ku Bogaadiyey Horumarka Iyo Xasiloonidda Nabad Galyadda

Waxaa Kulankan Lagaga Hadlay Sidii La Xoojin Lahaa Cilaaqaadka Labada Dhinac Ee Soo jireenka Ah Iyo Sidii La Iskaga Kaashan Lahaa Xaga Amniga.