Muxuu Yahay Iskaashiga Dhinaca Waxbarashada ee Durba u Bilaabmay Dawladahah Somaliland iyo Taiwan.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa kulan la qaatay Wakiilka Taiwan u fadhiya Magaalada Hargeysa. danjire Lou Chen-hwa.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay sidii ay Ardayda reer Somaliland deeqo waxbarasho uga heli lahayeen dalka Taiwan si ay usoo kororsadaan aqoontooda .  waxaanay isla qaateen si degdega loo dardargeliyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda reer Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md: Ahmed Abokor ayaa sheegay in dhawaan ardayda Somaliland ay deeqo waxbarasho ka heli doonan dalka dhawaan dalka Taiwan.

“Waxaanu Kulan wada qaadanay Safiirka iyo Safiir kuxigeenka dalka Taiwan ufadhiya Jamhuuriyadda Somalialnd.

Iskaashi dhanka Waxbarashada ah ee labada dal ayaanu ka wada hadalnay. Dhawaan ardayda reer Somaliland waxay deeqo waxbarasho ka helayaan dalkaa aynu saaxiibada noqonay.” Ayuu yidhi

Dawladda Taiwan ayaa todobaadkan sheegtay in ay sii wadayso inay sare u qaado cilaaqaadka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee  ku salleysan siyaasadda waaqiciga ah ee ka dhexeeya Somaliland gaar ahaan waxbarashada , kulanka waa mid ka ah qorshaha labada Xukuumadood ee Somaliland iyo Taiwan.

 

Hargeisa Somaliland