Nin dilay daanyeer naadir ah oo 11 sano oo xariga ah lagu xukumay

Nin dilay mid ka mid daanyeerada naadirka ee ku nool buuraleyda ayay maxkamad ku taalla Uganda ku xukuntay 11 sano oo xabsi ah

Felix Byamukama ayaa qirtay dambiga ah inuu si sharci darro ah u galay goob la ilaaliyo iyo dilka daanyeerkaasi caanka oo lagu magacaabi jiray Rafiki

Byamukama ayaa horay u sheegay inuu iska difaacayay daanyeerka oo soo weeraray taasoo keentay inuu toogto.

Daanyeerada ku nool buuraha ayaa la aaminsanyahay inay ka mid yihiin duurjoogta khatarta ugu jirta inay dabar go’aan waxaana la sheegay in 1,000 xabbo oo kali ah ay dunida ku soo hartay.

Waaxda Duurjoogta Uganda ayaa sheegtay in Rafiki uu helay caddaalad.