Ragu wa wada rag marka reerka la joogo W/Q: Ibraahin Aadan Cilmi Galaan (Qumaash)

qaybta danbe ayaan ku sheegiye aan hambalyo iyo bogaadin u diro gudigii (( mici- maraarafa ahaa ee caydigii ka so horjeedey casar-dheere jabouti ku luqun jibaadhay.
Mici- maraarku wa marka awrku 9-10 jir gaadho ee wuxu qabto digada ka dhigo.
Waftigeenu guulbay la so guryo noqdeen sidaan anigu u arko, waayo waxaynu mudo dheer ku taamaynay madal marag iyo markhaati leh. Horta helida madashu ayaa guul ah
Waxa ka loo guul labaad ah garnaqsigii madaxweynaha ee af-kugu yaaloon eeda ka duwin alle gooba la yidhaaye Inbadan oo ujeedo badan ahayd maryaha ka hurgufatay madashiina ka dhigtay (( KUU-MABAN-DABAN)) Ninkii sakaarada dabinka u dhigtay ee libaaxu u galay ee yidhi kuu mabaan daban.

Gari laba nin kama wada qoslisee waxan isleeyahay qoladeenu jir-jir cadka ayay ugu rogeen. Sheekadu ayay iga noqon waxaad ogtahay makuu sheegaye qoladeenu waxay geedka tageen iyagoo gartooda sii akhristay. Waxan leeyahay raqba waa ku rageede odhaahda waxan ku xoojinayaa hadalkii geesiyada qarniga (( MARWO ((ADNA ADAM ISMAIL )) ee ahaa ragani maaha rag dhayal- dhayal hadal loo hoos marin karo.

KA FALCELINTA SHIRKA HARGEYSA IYO XAMAR.
Horta Wa qolada xamare inta dhegta wax Loo saaro ee sida ku go’aan qaadata marka laga tago intoodi wax fahmaysay jaah wareerba ku dhacay iyo u qaadan waa wixii meesha ka dhacay.inta ka dib waxa kaliya ee ay ku ciil baxeen wuxuu ahaa media o waxay hayeen isagu geeyeen,falaadhi gilgilasho kaagama go’do.

Iyaga waxan ku dhafayaa ninba la yidhi hebelba ku caayayey markaasu yidhi haduu icaayo saw col manihin.reer xamar cay iyo colaadi waa inoo ina-danweyne inta EEBBE ina kala furdaaminayo.
GAARIYE alle hawnaxariste wuxu yidhi:
Anigaa daruuraha u koray roobka iida’aye nina iima diirnixin markaan daalanaa shalaye israa’iilna waa loo dalbaday dabar go’aygiiye wixii yoo diyaarada onkada lana dul-gawdiidshay rabi doobirti iyo ragba lagaga dooga. Marlabaad haday kula noqoto ragu waa ragi minankuna waa minanki.

Gudaheena:
Sahankii noo ceelalyo tegey waxanu leenahay(( DADKU DANABYADI AAD RIDEEN WUU kU DIIRSADAY )) waxa markhaati u ah shacabka somaliland oo ka sanqadhiseen wixii ay idinka filayeen.
Bini-Adamigu wuxu ku tamariya kalsoonida naftiisa iyo cida uu matalayo labadaaba waad ka haysateen shacabkiina ee geediga horu wada.

Dabeecada adamaha ayey ka mid tahay inaan dadku si wax u wada arag, hadana waxa layna siiyey wixii aynu ku sixi lahayn o caqliga ah ahna nimcooyinka eebbe inoogu deeqay Lana- isweydiin doono ((walanas-alkum yoomaydin cani naciim .

Taariikhdu dadka wey hagtaa waayo waxaynu dilka, boobka,dhaca, duminta,duqaynta iyo dabargoynta u mudanay waa khalad ay sameeyeen sodomeeyo qof o umadeena hogaanka u hay.
Khaladkaasi wuxu saamayn ku yeeshay ano Shan iyo lixdan jir ah kuwaan dhalay iyo kuweysii dhaleen.
Hadaba da’da 50-80 jir haday saxeen khaladkii aabayashood iyo awawyadood dhiig iyo dhibna u muteen saw maaha jiilka maantu inaanay dhayal-dhayal u arag masiirkooda ee uu dhiig iyo dheecaan ku xero yimid.

Waxa yaaba oo yaabka-yaabkiis ah inay ashkhaas reer Somaliland ihi maalin walba makarafoonka taganyihiin hankeena iyo horu socodka ummadana huuryada u qoomayaan.
Kuwaasi waa kuwo hebel uun arkaya, hebelna inuu reer hebel noqdo muu dooran, reer hebelna inay reer hebel noqdaan may dooran.
(( KA SALAMIYO YAAB ))

Laba nin o walaalo ah ayaa midna reer miyi ahaa midna askari lacag yar qaato, ka reer miyiga ahi markuu magaalada yimaado walaalki askari ayuu yidhaa walaalo caruurtii raashin igu iibi,kana waa walaale wixi uu helo waxba kama hagrado kii reer miyi wixuu qawadaa wuxu walaalki siiyo.
So ixtiraamle wuxu u yidhi (( hal godlani gujada yusufow way ka gubataaye way gaagaxda lagama helo go’boda caanoode gorflegedka iyo jeenyahay kugu garaacdaye aniguba sideedaa ganbaan gaadhka ku hayaaye hadii EEbE ii kaa galaday hayska kaygudhin.

Waxan tixdan u soo qaatay inta doonaysa inay dawladu hagaasto ee cayda makarafoonada la taagan waxanu leenahay reer somaliland waa ul jiifta ul jiiftana majabto caydiinu way laba jirsatee yey sadex jirsan. Wiilasha yar yare xulbadii caruurnimo ka urayso waxanu leenahay waad la weydwe qarankani wuu Sodon jirsaday, somalilaaney lagu Uma baqo.

MADAXWEYNAHA:
Maqaalkan sidaan xaga hore ku sheegay wuxu ahaa ragu wa wada rag marka reerka la joogo. Aqoonteeda, geesinimadeeda, daacadnimadeeda, ku dhaceeda intaba waanu kugu dooranay

Madaxweyne ilaa xaawiyo adam aadamaha waxa u dabeecad ahayd kala aragti duwanaansho waayo waxa laynagu darsaday shaydaan. Halbeeguse waa aqlibiyada wax done iyo wax diidba.
Madaxweyne hadaanu nahay shacabkii ku doortay iyo inkalo markii hore si kale wax u arkaysay hawshii aanu kuu dooranay waanu ku qanacsanahay, hada kuma lihin malabaad soo rogtay madaxweyne ee intii aad joogtay iyo waxaad qabatay magirif-grif yarid.

Hadii alle yidhaa oo cimri kugu simo waxa hubaal ah inaad caro-edeg ka dhigi doonto hareero ka leef iyo wixii aad Shan iyo afartan sanno ku hamiyaysay oo kuu dhabooba oo inta carabkoodu hada xasdayo inay yidhaadan madaxweyne ee ku war-wareega hogaamiye muse biixi AMA kornayl muse biixi ay kal joojin waayaan inay ku heesaan JIRO-jOOG WALIGA JIRO JOOG.

Hadaanu nahay shacabka somaliland waxanu leenahay inta horumark somaliland neceb sokeeye iyo shisheeye carabtu waxay tidhaa

((Al-kilaabu tanbax wal qaafialtul tasiir ))

Oo ah aydu way ciyaysaa geediguse wuu soconayaa () wal caaqil yafham ))

Ibrahim Adam Elmi ((qumaash ))

calicoomay@hotmail.com
UK.