Rodrigo Duterte: “Ma kaftamayo – maaskigaaga ku nadiifi shidaal”

Madaxweynaha Philippine, Rodrigo Duterte, ayaa markale shacabka u sheegay in Weji-xirka ama maaskiga ay ku nadiifiyaan batrool ama naafto – wuxuuna ku adkeystay in uusan “kaftameynin”.

Hadal kaa la mid ah ayuu jeediyay isbuucii la soo dhaafay – balse saraakiisha maamulkiisa oo isku deyay in hadalkaas ay saxaan, waxay sheegeen in uu kaftamayay.

Madaxda dhanka caafimaadka waxay sidoo kale sheegeen in weji-xirka ka sameysan maryaha in si joogto ah loo nadiifiyo, kuwa kalena in la iska badalo ka dib marka la isticmaalo.

Balse maanta wuxuu madaxweynaha dib uga laabtay hadalkaas – wuxuuna sheegay “wixii aan idiin sheegay waa run… aada kaalin shidaal.”

Ma jirto caddeyn muujineysa in shidaalka uu nadiifin karo gafuur-xirka; in qofka uu muddo ku neefsado batroolkana waa halis dhibaato leh; sidoo kale, haddii dab uu u soo dhowaadana waa halis in uu qofka ku gubto.

Muxuu Duterte sheegay?

Isagoo daba socday hadalkiisii hore, Duterte wuxuu yiri: “waxay dheheen, ‘Duterte’ wuu waalan yahay.’ Nacas! haddii aana fiyoobeyn, adiga ayaa madaxweynaha ahaan lahaan, aniga ma ahan.

“Wixii aan dhahay waa run. Haddii aalkolada aan la heli karin, gaar ahaan dadka saboolka ah, waxaad aadaa kaalin shidaal, waxaana adeegsataa gaaska si aad jeermiska u disho”.

“Ma kaftamayo. Aniga ma kaftamayo. Adiga… adiga isku dey in aan maskaxdeyda dhex gasho.”

Muxuu sheegay isbuucii hore?

Madaxweynaha Philippines, Duterte wuxuu sheegay in dadka aan haysan dawooyiinka kale ee wax lagu nadiifiyo, in ay gaaska u adeegsan karaan dilidda jeermiska iyo nadiifinta gafuur-xirkooda.

“Marka ugu dambeysa maalintana, maaskiga meel sur ka dibna ku buufi dawada Lysol (oo ah mid loo isticmaalo nadaafadda) taas oo aad awoodaan,” ayuu yiri, isagoo tixraacayay nooc dawo oo caan ku ah dilka jeermiska.

“Dadka aan haysan [dawada Lysol], ku nadiifi gaas ama batrool… raadi uun gaas, gacantaadana kula shub maaskiga.”

Ka dib hadalkiisaas ee Isbuucii la soo dhaafay, afhayeenka madaxtooyada, Harry Roque, ayaa si degdeg ah isugu deyay inuu saxo.

“Ma aamini karo in, ka dib afar sano oo madaxweyne uu ahaa, weli aqoon uma lihidiin,” ayuu yiri Roque, hadalkaas oo lagu qoray Wargeyska Rappler.

“Kaftan uun buu ahaa. Maxay tahay sababta aan gaas ugu dhaqeyno maaskigeena?”

Dhanka kale, Maria Rosario Vergeire oo ah sarkaal caafimaad waxay sheegtay in marada maaskiga ah la dhaqi karo si caadi ahna loo qallajin karo, kuwa kalena in la iska badalo.

Maxay tahay xaaladda fayraska corona ee Philippines?

Maalin kastaa waxaa laga helaa ku dhowaad 4,000 oo kiis. Shalay oo keli ah waxaa laga helay 3,954 kiis, tirada guud ee kiisaska waxay gaareysaa 89,374.

Sidoo kale tirada dadka u dhintay fayraska Covid-19 waxay ka yartahay 2,000 oo qof.

Duterte wuxuu ku dhawaaqay jimcihii in xannibaada saaran caasimadda dalkaas ee Manila ay sii soconeyso illaa bartamaha August.

Manila hadda waxaa ku karantiilan bulshada oo dhan – waxaana la xakameeyay socodka dadka da’da ah iyo carruurta, waxaana saaran xayiraado kale.

Madaxweynaha wuxuu sidoo kale ballanqaaday in tallaal bilaash ah dadka la siin doono – ka dib marka dawada la helo – dadka dhaqaalohooda uu hooseeyo ayaana fursadda hore la siin doonaa.