Sharciga cusub ee Masar ee ka mamnuucaya milatariga inay siyaasadda galaan

Madaxweynaha Masar Cabdil Fataax Al Siisi ayaa saxiixay sharci ka mamnuucaya masuuliyiintii horay uga tirsanaa milatariga inay u tartmaaan madaxtinnimada ama baarlamaanka iyagoo aan fasax ka heysan golaha sare ee milatariga.

Waxaa sidoo kale laga mamnuucay inay ku biiraan axsaabta siyaasadda.

Dadka dhaliishan sharcigan ayaa sheegay in Siisi uu arrintani uga gol leeyahay inuu ku hubiya in xubna ka tirsanmilatariga aysan ku dhiiranin loolan siyaasadeedoo isaga ka dhan ah.

Sanadii 2018 ayay ahayd markii taliyihii hore ee milatariga dalkaasi Sami Anan xabsiga loo taxaabay markii ay miltariga ku eedeeyeen inuu doonyay inuu u tartama doorashada madaxtinnimada isaga oo aan idim u haysan