Somaliland Iyo Taiwan Oo Is-dhaafsanaya Xafiisyo Diblumaasiyadeed & Labada Madaxweyne Oo .

Hargeysa (Gnet) – Xidhiidh diblumaasiyadeed ayaa ka dhex bilaabmay Somaliland iyo Dalka Taiwan.

Xidhiidhkan Diblumaasiyadeed oo muddo laga shaqanayey ayaa Labada Dawladood ay si gaar gaar ah u shaaciyeen Arbacadii Shalay.

Xidhiidhkan Curadka ah oo gaadhsiisan in labada dal ay dhawaan Safaarado ka furan doonaan labada Caasimadood, ayaa ka dambeeyay Heshiis ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Taiwan.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan ayaa qoraal ku baahisay ku faahfaahisay Heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland “Waxaanu Heshiis la saxeexanay Somaliland, si aanu u dhisno Xidhiidh ama ilaaqaad wanaagsan.” Ayaa lagu yidhi, Qoraalka ay baahisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan, waxayna intaa sii raacisay Wasaaraddu “Taiwan waxay xafiis Matalaya ka furan doontaa dalkan Madax-bannaan ee ku yaalla bariga Afrika (Somaliland), waxaanu isku jirnaa Mastaafo Kumanaan Mayl ah, laakiin waxaanu wadaagnaa Jacayl Qoto-dheer oo aanu qabno Xorriyadda iyo

Dimuqraadiyadda..”

Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa iyaduna qoraal ay ku baahisay Internet-ka ku sheegtay in heshiiska Somaliland la saxeexatay Taiwan uu ku salaysan yahay sidii loo dhisi lahaa xidhiidh diblumaasiyadeed, lana furo Xafiisyo ka shaqeeya Hawlaha diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee ay wadaagayaan Somaliland iyo Taiwan.

Waxa kale oo ay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland in heshiiskani dhacay dhacay 23-kii February ee sannadkan, 2020, ka dib booqasho Afar Maalmood qaadatay oo ay Dalka Taiwan ku tageen Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Heshiiska iyo xidhiidhkan cusub ee dhex maray Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa iyaguna ka hadlay Madaxweyneyaasha labada Waddan.

Haweenayda Madaxweynaha ka ah dalka Taiwan Tsai Ing-wen ayaa barta ay ku leedahay Twitter-ku baahisay kulan ay la yeelatay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo heshiiska labada dhinac kala saxeexdeen, waxayna tidhi “Farxad weyn ayay ii ahayd inaan la kulmo Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland horraantii sanadkan. Taiwan iyo Somaliland ayaa dhisaya xidhiidh laba geesood ah oo ku salaysan qiyam wadaag ah, waxaana rajeyneynaa furitaanka xafiisyo matalaya labada dowladood si loo ballaadhiyo iskaashiga labada dhinac.”

Sidaasi oo kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa Madaxweynaha Taiwan uga Mahad-celiyey sida uu soo dhaweeyay Weftigii ka socday Somaliland iyo heshiishka labada dhinac kala saxeexdeen.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland uga Mahad-celinayso Madaxweynaha Taiwan sida wanaagsan loo soo dhaweeyay Weftigii ka socday Somaliland ee uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xidhiidhka laba Geesoodka ah ee dhex maray Somaliladn iyo Taiwan uu yahay mid ku salaysan Qiyam wadaag ah “Xidhiidhka laba geesoodka ah ee Somaliland iyo Taiwan waxaa lagu dhisay qiyam iyo is ixtiraam.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in Somaliland ay Xafiis ka furanayso Taiwan “Xafiiska Wakiilkayaga ayaa dhawaan laga furi doonaa Taiwan.”

Geesta kale, Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha oo si Dadban uga hadashay heshiiska dhex maray Somaliland iyo Taiwan oo ka go’day Shiinaha, balse aan la aqoonsanayn ayaa sheegtay inaanay Cidna ka ogolaanayn inay kala qaybiso Ciidda Shiinaha “Marna U oggolaan mayno Cid kasta, Urur kasta ama Xisbi Kasta oo siyaasadeed inay kala qaybiyaan ama kala soocaan Dhulka Shiinaha..”ayaa lagu yidhi Qoraal Xalay ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, kaasi intaa sii raaciyey in Taiwan ka mid tahay Dhulka Shiinaha.

 

Wargayska Geeska Afrika