Turkiga Oo ku Hanjabay inuu Jawaab ka Bixinayo Weerarkii Lagu Qaaday Ciidamadiisa.

Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar, ayaa sheegay in waddankiisu uu sii wadi doono ka jawaabida weerarda ururada argagixisada ah oo ka dhan ah Ciidamadooda, gaar ahaan kuwa kusugan Magaalada Idlib ee Dalka Suuriya.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ku saabsan istiraatiijiyadda difaaca Turkiga iyo horumarkii ugu dambeeyay ee gobolka, Akar wuxuu sheegay in Ankara ay ixtiraameyso deganaanshaha dhuleed ee deriskeeda, taasi oo ay ka mid tahay Suuriya.

Waxaa uu sheegay in wax dhibaata ah aysan ku qabin labada midkoodna kurdiyiinta gobolka, balse uu wacad ku maray haddii arimaha Turkiga lasoo fara gashado uu jawaabta ku haboon ka bixin doonaan.

Hulusi Akar ayaa tilmaamay in aysan malatin Muslimiinta kooxaha Daesh, Ciidamada Dimuqraadiga ah ee Siiriya (SDF) iyo maamulka iskood u taagan ee Kurdiyiinta.

“Kurdiyiintu waa walaaleheen, halgankayaga kaliyana waa kan ka dhanka ah SDF iyo inta kale ee ururada argagixisada ah,” ayuu yiri wasiirka” isagoo raaciyay in Turkigu uu sii wadi doono dadaalkiisa, si nabad waarta looga helo Syria”.

Turkiga ayaa sheegay in uu doonayo Siiriya dimoqraadi ah oo mideysan in uu arko.