Xarun Maraykan Ah Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshe Dawladda Masar Laba Waddan Oo Somaliland Ku Jirto Midkood Kaga Doonayso Saldhig Milatari.

Nairobi(GNN):-Xarunta Daraasaadka Jiyooboolitikal fiijaris (Geopolitical Features (GPF) oo xarunteeda guud ku taallo Gobolka Texas ee dalka Maraykanka, waxna ka baahisa falanqaynaha Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Millatariga Adduunka ayaa toddobaadkan waxa ay soo saartay barnaamij Podcast ah oo ay kaga warramayso dalabyo ay xukuumadda Masaaridu u kala gudbinayso Dawladaha Somaliland iyo Eretariya kuwaasi oo la xidhiidha sidii ay dawladda Masar Saldhigyo Milatari uga samaysan lahayd labadan dal mid ka mid ah haddiiba uu sii xumaado khilaafka u dhaxeeya Addis Ababa iyo Qaahira ee la xidhiidha Arrinka Biyo xidheenku.

Afhayeen u hadlay Xarunta Geopolitical Features (GPF) ee Dalka Maraykanka oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee MENA (Middle East News Agency) waxa uu qoraalka ay soo saareen ee la xidhiidha xaaladda Masar iyo Itoobiya ku sheegay mid saamayn weyn ku yeelan doonta dhammaan dalalka Mandaqadda Bariga Afrika isaga oo si gaar ah u soo qaatay waftigii dhawaan dalka Somaliland yimid ee ka socday xukuumadda Masar kaasi oo uu ku tilmaamay mid u socday arrimo dhinaca Diblomaasiyadda iyo Milatariga ah xaqiiqo ahaanna la xidhiidhay danaha Masar ku doonayso in ay ku yeelato dalalka Mandaqadda Geeska Afrika ee jaarka la ah Itoobiya.

Mr. Richard Edmen oo ka mid ah cilmi-baadhayaasha sare ee Machadka GPF waxa uu wakaaladda Wararka MENA u sheegay in xukuumadda Madaxweyne Cabdulfataax Al Siisi ay qorshaynayso dalab rasmi ah oo Saldhig Milatari in ay u gudbiso caasimadaha Hargeysa iyo Asmara walise ay ku guda jiraan xaalad daraasad iyo hubsiimo ah oo ay xaaladda si weyn u rogrogayaan.

“Isku daygoodu waxa weeyi sidii ay xeebaha Somaliland iyo Ereteriya mid ka mid ah saldhig weyn uga samaysan lahaayeen, dhammaanba dalalka Kulaalaya dalka Itoobiyana ay xidhiidho adag ula samaysan lahaayeen. Waxa ay Masaaridu danaynayaan marin biyoodka Baabul Mandab ee Badda Cas in ay degaan wax kasta oo Mashruucaasi ku qaadanayo. Waxa hubaal ah in ay adkaan doonto in Eretreriya oo dhawaan uun ay Itoobiya heshiis kala saxeexdeen aanay ku degdegi doonin in ay saldhig Milatari degdeg u siiyo Qaahira, halka aan sidoo kale la ogayn siyaasadda ay qaadan doonto Somaliland oo ah Maamul si xawli leh u soo galaya saaxadda siyaasadeed doorkiisana ka qaadanaya arrimaha mandaqadda isaga oo ka faa’iidaysanaya goobta istaraatiijiga ah ee uu ku yaallo, Inkasta oo aanu dalkaasi wax aqoonsi ah oo caalami ah ka haysan dunida” ayuu yidhi khabiir Richard oo la hadlayay wakaaladda MENA.

Hadalkan ay soo saartay xarunta GPF oo ah waxa uu ku soo beegmayaa maalmo uun kadib markii uu dhawaan dalka Yimid wafti ballaadhan oo ka socday xukuumadda waddanka Masar kaasi oo kulamo Magaalada Hargeysa kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo saraakiil sarsare oo xukuumaddiisa ka tirsan, kulankaasi oo labada dhinac aanay wax faahfaahimo ah ka soo saarin.