Xiisad ka taagan gobolka Oromada

Xiisad ayaa ka taagan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, dadku waxay ka cabsi ka qabaan in rabshado kale ay halkaas ka dhacaan.

Adeegga Internetka ayaa weli ka maqan Itoobiya , kaas oo hawada laga saaray markii ay dibadbaxyo rabshado wato ay ka dhaceen halkaas.

Dibadbaxyada looga soo horjeeday dilka heesaagii Hachalu Hunddessa waxaa ku dhintay in ka badan 150 qof.