Qaramada Midoobay oo ka hadashay sharciga Dembiyada “Galmada” la xiriira ee Soomaaliya

Pramila Patten oo ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabisan rabashadaha ku saabsan xadgudubyada galmada ayaa ugu baaqday baarlamaanka Soomaaliya inay meesha ka saaraan hindise sharciyeedka dembiyada “Galmada” la xiriira ay dhawaan hor istaageen Golaha Shacabka

Waxay sheegtay in sharcigan uu ka hor imaanayo xeerarka caalamka iyo kuwa gobolka ee looga hortaggayo kufsiga iyo dambiyada la xiriira galmada.

“Sharciga wuxuu ka hor imaanayaa xeerarka caalamiga ee xuquuqda aadanaha oo ay Soomaaliya kamid tahay kaas oo dib u dhac weyn ku ah dagaalka ka dhanka xadgudubyada la xiriira galmada ee ka dhaca Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka” ayay tiri Patten.

“Waa tallaabo adag oo dib u dhac ku ah raadinta xuquuqda dhibanayaasha loo geysta xadgudbyada la xiriira galmada ee Soomaaliya gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha” ayay tiri Michelle Bachelet,oo ah ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqda aadanaha.

Xildhibaannada golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa is hortaagay in la ansixiyo ajandaha kulankoodii sabtidii dhacay ee ku saabsanaa Akhrinta Koobaad ee sharciga dambiyada galmada la xiriira.

Waxay diidmada sabab uga dhigeen in sharcigan iyo ciwaanka uu wataba aanu u qalmin dadka Soomaalida isla markaana uu lid ku yahay dhaqanka iyo diinta Islaamka.

Sharcigan oo ay soo gudbisay xukuumadda ayaa la doonayay in akhrintiisa koobaad la bilaabo ka dibna laga doodo, balse xildhibaannada ayaa ku tilmaamay mid aan u qalmin in laga hadlo.