Wajaale:-Dhisme Bakhaar Ayaa Ku Dumay 11 Qof Oo ka Shaqeynayay Iyo Dhimasho Iyo Dhaawac Ayaa Ka Dhashay

Guri dhisme Ka Socday oo ku Yaalay dagmada wajaale Ee Gobolka Gabiley ayaa ku dumay dad shacab ah waxaana waxyeelo ka soo gaadhay ugu yaraan Ilaa 11 qof Oo Dhismaha Ka Shaqeynayay.

Inta La Xaqiijiyay 3 Qof Ayaa Ku Geeriyooday 11 Kalena Waa Dhaawac Walina Waxa Socda Baadigoobka Dadka Dhismaha Ku Hoos Jira.

Dhacdadan Ayaa Dhacday Galabta, Maamulka Wajaale ayaa Wada Dadaalo Iyo Hawlgalo Lagu Samato Bixinayo Dadka Uu Ku Dumay Dhismuhu Ee Ku Hoos Jira.

Goobta Duntay Ayaa Ahaa Dhismaha Bakhaar U Dhaw Togo Wajaale Ee Dhanka Somaliland. Walina Si Rasmiya Uma Cada Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca.

Alle Hawnaxariisto Inta Ku Nafwayday Dhaawacana Alle Haw Boogo Dhayo Aamiin Aamiin Aamiin.