Abiy Ahmed Oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal kasoo yeeray Madaxweyne Trump.

Itoobiya ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Maraykanka oo ahaa in Masar ay burburin karto biya-xireenka ay Itoobiya ka dhistay wabiga Nile.

Madaxweyne Trump ayaa weriyayaasha Aqalka Cad waxa uu ugu sheegay “Waa xaalad aad u halis badan sababtoo ah Masar sidaas ugama samri karto arrinta.”

“Ugu dambayntii biyo-xireenkaas way burburin doonaan. kor ayaanan u leeyahay – biyo-xireenkaas way burburin doonaan. Waana inay wax sameeyaan,” ayuu sii raaciyay Trump.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa oo hadalkaas daba socda sheegay in dalkiisa uusan u dulqaadan doonin daandaansi ama gardaro noocey doonto ha ahaatee.

Abiy Ahmed si toos ah ugama jawaabin hadalka Trump, balse waxaa muujiyey shaki ah waxa ku kalifay Mr Trump hadalka uu sheegay, isagoo wacad ku maray in Itoobiya ay dhameystiri doonto Biya-xireenka.

“Itoobiya isma dhiibi doonto gardara noocey doonto ha ahaatee, “Itoobiya waligeed jilbaha uma dhigan oo ma adeecin cadowgeeda, balse waxay xushmeysaa saaxibadeed” ayuu yiri Abiy Ahmed

Hanjabaad kasta oo arrintan ku saabsan ayuu sheegay iney noqon doonto mid aan loo meel dayin, oo aan natiijo ka soo baxeyn isla markana jabinaysa shuruucda caalamiga ah.

Mashruucan ballaaran ee ay Itoobiya ku dhisayso Biya-xireenka ayaa ah xudunta muranka u dhaxeeya Itoobiya, Sudan iyo Masar, iyadoo Itoobiya ay u aragto in Mareykanku la saftay Masar marka ay imaado muranka labada dhinac