Dacwad Laga Gudbiyey Dhaxal Sugaha Sacuudiga

Haweeneeydi uu ka dhintay saxafigi la dilay Jamal Khashoggi, iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu isaga aas-aasay ayaa Talaadadi shalay maxkamad ku taalla dalka Mareykanka u gudbiyay, dacwad ka dhan ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Dacwaddaan oo loo gudbiyay maxkamad rayid ah oo ku taalla magaalada Washington D.C, ayay Khadija Cengiz iyo kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Arab World Now ku eedeyneysa Maxamad Bin Salman, inuu amray dilka wariye Jamal Kashikji, waxaa sidoo kale maxkamadda laga dacweeyay in ka badan 20 muwaadin oo u dhashay Sacuudiga oo dilka loo heysto.

Safaaradda Sacudiga ayaanan wali ka jawaabin dacwadda laga gudbiyay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman. Amiir Maxamed oo loo soo gaabiyo MBS ayaa beeniyay inuu ka danbeeyay dilki lagu khaarijiyay saxafiga u dhashay Sacuudiga Jamal Kashikji, labadi bishii October ee sannadki 2018-ki.

Kashikji oo deganaa gobolka Virginia, ayaa maqaallo uu ku dhaliili jiray siyaasadda Maxamed Bin Salman ku daabici jiray, wargeyska Washington Post ee kasoo baxa caasimadda Mareykanka ee Washington D.C.