Dalladda Somaliland Society in the Netherlnads (SSNL) waxay halkan taageero iyo bogaadin u gudbinaysaa Xukuumadda Somaliland go’aanka …….

Dalladda Somaliland Society in the Netherlnads (SSNL) waxay halkan taageero iyo bogaadin ugu soo gudbinaysaa Xukuumadda Somaliland  go’aanka geesinimada leh ee ku wajahan heshiiska liidnimada ah ee Somaliya iyo UN-ka, kaas oo ay Somaliland ganafka ku dhufatay kuna  joojisay wada-shaqeyntii xafiiska hay’addaa ee ka hawlgala Somaliland iyo tallaabooyinka laga qaaday mashaariicdii  UN-ku ka wadeeen gudaha Dalka.

Mawqifka xukuumaddu waa mid lagu xaqiijinayo Madaxbannaanida Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyo inay tahay dal gooni u taagan oo taladiisa aan cidna u daba fadhiisanayn cidna aan marti uga noqonayn.

Waa tallaabo ku dhac leh oo kor u qaadday karaamada iyo sharafta qaranimada iyo haybadda dawladnimo. Waxayn ka turjumaysaa dhaqanka Somaliland ee keena-diidka ah, oo aan marna aqbali Karin bahdil, da’la’si   iyo liidnimo.

Qaraarkani wuxu markhaati u yahay muqaddasnimada  Somaliland iyo in aan marnaba, sinaba  gorgortan u geli Karin qaranimada jamhuuriyaddan barakaysan.

Bayaanka xukuumadu soo saartay wuxu cashar u yaha y una quus gooynayaa dadkii  soo malmalluuqay Qorsha-ku-sheegga Somaliya iyo ergayga UN-ka ku heshiiyeen, kuwaas oo ah dad xogmooyayaal ah oo aan dhugmo u lahayn sooyaalka taariikheed ee dadka  iyo dalka Somaliland.

Ummadda Somaliland waa qawmiyad iyo qaran aan la sandulleyn Karin laguna dagi Karin sandareero.  Waa ummad qab leh oo quudhsi  diid ah oo aan sinaba loo muquunin Karin.

Guddida Fulinta

Somaliland Society in the Netherlands (SSNL)