Faransiiska: “Dagaalka ka dhanka ah Islaamka wuxuu sababi karaa weerarro hor leh oo dhaca”

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa ka digay in weerarro badan oo hor leh ay ka dhacaan dalkaas, iyadoo Faransiisku uu bilaabay dagaal ka dhan ah xagjirnimada Islaamka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Nin u dhashay dalka Tunisia oo sitay toorrey ayaa kuna dhawaaqayay “Allahu Akbar” ayaa shalay haweeney ku gowracay labo qof oo kalena ku dilay gudaha kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, kahor inta aysan toogan kaddibna kaxeynin booliiska.

“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow ku sugan gudaha iyo dibadda,” ayuu Gerald Darmanin u sheegay aradiyaha RTL ee dalkaas.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shalay sheegay in weerarkii shalay uu ahaa “weerar ay fuliyeen koox Islaamiyiin ah”.

Waxaa lagu wadaa inuu maanta kulan degdeg ah la yeesho wasiirrada ugu sarreeya dalkaas.