Kuuriyada Waqooyi: Habaaska ka imaanaya Shiinaha ‘wuxuu sidaa coronavirus ‘

Kuuriyada Waqooyi ayaa dadkeeda uga digtay inay guryaha joogaan, sababo la xiriira cabsi laga qabo in “busta jaallaha” ee ka imaaneysa Shiinaha ay sidi karto coronavirus.

Waddooyinka caasimadda dalkaas ee Pyongyang ayaa la sheegay inay marnaayeen shalay, kaddib digniintaas.

Kuuriyada Waqooyi ayaa hore u sheegray in dalkeeda uusan ka jirin coronavirus, balse feejignaan dheeri ah ayay muujineysan tan iyo bishii January, iyadoo xirtay xudduudaheeda isla markaana xaddidday dhaqdhaqaaqa dadka.

Ma jiro xiriir la ogyahay oo ka dhaxeeya busta xilliyada qaar kacda iyo Covid-19.

Si kastaba, ma aha dalkii ugu horreeyay ee sheega sidaas. Sidoo kale dalka Turkmenistan ayaa sheegay in bus iyo habaas ka kacay dalkaas darteed dadka loogu amray inay xirtaan maaskaro. Waxay beeniyeen inay isku dayayaan inay inkiraan in fayrasku ka jiro dalkaas.

Busta jaallaha ah waxaa loola jeedaa habaaska ka imaanaya lama degaanka Mangolia iyo Shiinaha, kuwaas oo soo gaara Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koofureed, xilli ka mid ah sanadka. Waxaa la sheegay inay tahay bus wadata sun, taas oo walaac caafimaad ka abuurtay dalalkaas.