Madaxweyne Trump oo Sudan ka saarey Liiska Wadamada Argagixisada Taageera

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday heshiis dhex maray Israel iyo Sudan oo ay ku hagaajinayaan xiriirkooda, waxayna tallaabadani ka dhigeysaa Khartoum dowladdii seddexaad ee Carbeed ee labadii bilood ee la soo dhaafay dhinac isaga riixda colaadda Israel.

Sidoo kale madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay in uu Sudan ka saaray liiska dalalka taageera argagixisada.