Masar Iyo Iran Oo si Adag Uga Hadlay Sawir Gacmeedka Lagu Aflagaadeynayay Nabiga NNKH.

Carada laga muujinayay hadalladii meel ka dhaca ku ahaa Nabi Muxammad NNKH ee uu jeediyay madaxweynaha Faransiiska ayaa cirka isku shareereysay isbuucan. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Muslimiinta ayaa ka mid ah malaayiinta qof ee ka fal celiyay arrintaas.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdi Fataax El-Sisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan mowduucaas, isagoo sheegay in hadal lagu weerarayo Nabiga uusan wax qiil ah lahayn.

“Xurriyadda hadalka way ka baxeysaa meesha markii markii Nabi Muxammad la caayo”, ayuu yidhi madaxweyne El-Sisi.

Isagoo ka jawaabaya sawirrada kartoonka ah ee uu wargeyska Charlie Hebdo ku aflagaaddeeyay nabiga NNKH ayuu El-Sisi sheegay in aan loo dul qaadan karin wax dhibaato u geysanaya dareenka dad tiradoodu gaareyso hal bilyan iyo badh.

Madaxweynaha Masaarida ayaa hoosta ka xariiqay inuu gabi ahaanba kasoo hor jeedo “qalalaase kasta oo loo sameeyo iyadoo lagu difaacayo arrimo diimeed ama astaamo muujinaya caqiido gaar ah.”

Dr Zakir Naik, oo ka mid ah shaksiyaadka ugu caansan bulshada muslimiinta dhexdeeda ayaa talooyin u jeediyay dadka sawirrada ku qeexaya Nabiga NNKH iyo waliba kuwa muslimiinta ah ee ka fal-celinaya labadaba.

“Waxaan leeyahay dadka kartoonka ka sameynaya Nabiga NNKH, maxaad taas baddalkeeda si daacadnimo ku jirto dood ula gali la’dihiin Islaamka?”

“Muslimiinta qalalaasaha ku fal-celinayana waxaan leeyahay, maxaad canbaareynta loo jeedinayo Islaamka uga jawaabi la’dihiin sababo iyo xikmad?”

Madaxda dalalka Islaamka ee sida degdegga ah gaashaanka ugu daruuray hadalkii Mr Macron waxaa ka mid ah Madaxweynaha Iiran Xasan Rouhani.

Madaxweyne Rouhani ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha sida kulul uga jawaabay hadalkii carada abuuray ee kasoo yeeray madaxweyne Macron.

“Reer Galbeedku waa inay fahmaan Nabiga wanaagsan ee Muslimiinta inay jecel yihiin dhammaan dadka muslimka ah iyo waliba dadka xornimada jecel ee caalamka,” ayuu yidhi Rouhani.

“In la caayo nabiga waxay la mid tahay in la caayay dhammaan muslimiinta. Haddii nabiga la caayo waxaa la caayay dhammaan nabiyada, qiimaha bani’aadanka iyo shuruucda oo dhan.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dowladda Qadar ayaa dhankeeda soo saartay bayaan ay ku canbaareyneyso weerarkii toorrida loo adeegsaday iyo kii ka dhacay qunsuliyadda Faransiiska ee magaalada Jiddah.

“Xukuumadda Dooxa waxay cusbooneysiineysaa mowqifkeeda ku aaddan sida ay uga soo horjeeddo qalalaasaha iyo argagaixisanimada iyadoo aan eegeynin sababta loo sameynayo falalkaas,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Dhanka kale, shirkadda Twitter-ka ayaa masaxday qoraallo uu soo galiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia, Mahatiir Maxamed, kuwaasoo ay ku sheegeen inay “dhiirrigalinayeen qalalaase iyo dil.”

Tallaabada lagu masaxay qoraalka Mahatiir ayaa timid kaddib markii dad badan ay ka dacwoodeen hadallo uu siyaasigaas ku sheegay halkaas oo ku talinayay in dadka Muslimiinta ah ay aargoosi ahaan u dilaan malaayiin qof oo Faransiis ah.
Xigasho BBC