Maxaa ka Cusub Kiiska Wiilkii Macallinka ku Dilay Faransiiska?

Baaritaanka kiiska wiilkii 18 jirka ah ee asal ahaan ka soo jeeday Chechnya ee Faransiiska ku dilay ninkii macallinka ahaa ka dib markii sida la sheegay uu macalinku sawir laga sameeyey Nabi Muxammad NNKA uu ardaydiisa tusay ayaa haatan kiiskaasi waxa uu lugta la galay dalka Suuriya.

Danbi Baarayaasha ayaa ogaaday in uu wiilkaasi xiriir la lahaa nin ku hadla afka Ruushka oo ku sugan magaalada Idlib.