Qaxooti Kenyan ah oo laga saaray liiska dadka qaxootiga ah

Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ogolaatay in toban kii kun ee qof ee u horreeyey ee Kenyan ah laakin iska diiwaangeliyay xeryaha qaxootiga laga saaro liiska dadka qaxootiga ah. Arrintan oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa u ogolaan doonta in dadka qaxooti ahaanta isku diiwaangeliyay ay haatan helaan sharciyada dalka Kenya.

Dadkan oo kumanaan ah ayaa horey isaga diiwaangeliyay xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya iyagoo sheeganaya in ay ka yimaadeen Soomaaliya ka dib markii abaaro ay ku dhufteen deegaanadooda, islamarkaana ay xaalad oo nololeed wajaheen.