Sanjay Dutt oo markii ugu horreysay ka hadlay kansarka ku dhacay

Xiddigga ka tirsan Bollywood-ka , Sanjay Dutt ayaa xaqiijiyay inuu ku dhacay kansar, kaddib toddobaadyo ay arrintaasi isla dhex marayeen warbaahinta Hindiya.

Muuqaal uu bartiisa Instagram-ka soo dhigay, ayuu 61 sano jirkan jilay in ka badan 150 filin ku sheegay inuu iska caabbin doono cudurka.

Dutt ayaa sidoo kale sheegay inuu bilaabo duubidda filinkiisa bisha November.

Bishii August Duttayaa laga baaray Covid-19 kaddib markii uu sheegay inay neefsashada ku adag tahay. Balse markii dambe waa laga waayay.

Dhowr jeer ayuu xanuunno kale isaga baaray isbitaalka Lilavati ee magaalada Mumbai.

Waxaa kaddib soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheegaya in laga helay kansarka sambabbada, Dutt ayaa sheegay in bishii August uu fasax ka qaadanayo shaqada si uu isku daweeyo.

Jilaaga iyo xaaskiisa Maanayata ayaa ugu baaqay taageerayaasha inaysan walwalin.

Dutt ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu mar kale ka soo muuqdo shaashadda aflaanta.

Jilaaga ayay dhow jeer xirfaddiisa hakad hakad gashay.

Waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah xiddigaha Bollywood-ka ee horumarka ka gaaray xirfaddooda, balse xirfaddiisa jilaanimada ayaa hakad gashay kaddib markii uu sanadkii 2013 ku laabtay xabsiga, sii uu usoo dhammeysto shanti sano ee lagu xukumay. Waxaa lagu eedeeyay inuu heystay hub lala xiriiriyay qaraxyadii Mumbai ka dhacay 1993 kaas oo ay ku dhinteen 257 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 713.

Sidaas oo ay tahay, wuxuu dib u soo muuqday sanadkii 2016. Wuxuu kaddib saxiixay dhowr filin.

Jilaaga ayaa si shaac ah uga hadla dhibaatooyinka haysta ee dhanka daroogada iyo xiritaankiisii. Wuxuu sheegay inay taasi ka sii dhigtay qof adag.

Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa u geeriyooday kansarka. Hooyadiis Nargis ayaa u dhimatay kansarka ku dhaca beer-yaraha sanadkii 1981 – maalmo kahor intuusan ku soo caan Bollywood-ka.

Xaaskiisii hore Richa Sharma ayaa sidoo kale u geeriyootay kansarka maskaxda.

Muuqaal uu barta Instagram-ka soo dhigay tima-jaraha Sanjay, Aalim Hakim, ayuu Sanjay ku sheegay inuu iska caabbin doono cudurka kansarka ee laga helay: